Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on January 14, 2017, 02:41:24 PM

Title: Su'aal: Xaaskayga waxay ka sheegataa isha bidix?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on January 14, 2017, 02:41:24 PM
ASC UGU HORREYN WAXAN HALAKN KASALAMAYAA DHAQTARKEENNA DHARAFTA BADAN MAR WALBA NALA DIYAAR AH IN UU NAGA CAAWIYO AMA TALLAO NAGA SIYO DHIBATOOYINKA CAFIMAAD IYO WAXII LA XARIIRA INTAAS DHAAFSAN.

SUAASHAYDA AAN GUDU GALO. DR ADIGOO MAHADSAN ,,,
XAASKAYGA AYAA WAXA AY KA CAWANAYSAA AMA KA SHEEGATAA ISHA BIDIX
SABABAHA AYAN KUU SIFEEYNAYAA.

1) XILIGA DABAYSHA AY JIRTO XILIGA HADA SOMALI LUGU JIRO WAXAY KA DAREEMAYSAA CUN-CUN IYO WAXAD MOODAA ISHA IN DHEXDEED WAX KU WAREEGAYA  MARAKA AY RUGTO AMA AY MA JUUJISO MAR MAR QAAR WAXA KA IMANAYAA WAX IS JIID JIDAYO OO CAD SIDA  FIBERS YACNI SIDA KOOLO CML U DHEG DHEG DR MAFAHATAY
2 )MAR MAR QAAR WAXA KA SOO GO AYA TIN MARKA TINTA LAGA SAARO WAY ROONATAA MARKA WAXA YAR IS JIID JIDAYA IYO TINTAAS MARKA LAGA SOO SAARO WEY FIICNATA DR


WAXA IS JID JIIDAYA ISHA KA SOO BAXAYA WAXA AY U EGYIHIIN CANDHUUFTA CAMAL MIDABKOD BALSE JIIDMAYA WEYE MGRTY WEYNA GADUUDATAA ISHA XILIGA DABAYSHA JIRTA MARKA TALLO DR KAARABNAA



DR SUAASHA KALE RABA IN HALKAAN UGU FAAIDEYSTO WXA WEYE' DR WAXA DHIIGAYGA KA DAREEMAY MADOW INUU YAHAY YACNI MARKA IRBAD LUGU SOO DHUFTO AMA XIDIDKA LAGA SOO JIDO WAXAN ARKAY IN UU XAR KAGSANYAHAY MADOW YAHAY BROWN CML DR 32 JIR. BAN AHAY 63 KG CULAYSKUNA YAHAY. BAL DR TAA IGA JAAHIL BIXI INBdan rabay in ku weydiyo. mahadsani
Title: Re: Su'aal: Xaaskayga waxay ka sheegataa isha bidix?
Post by: SomaliDoc on April 18, 2017, 08:27:02 PM
Waxay u badan tahay xanuun loo yaqaano daafka allerjiga ah ama "Allergic Conjuctivitis", akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1121.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1121.0)

Su'aasha 2-aad waxay ku xiran tahay qaabka dhiigga lagaaga qaaday, weelka lagu qaaday, muddada ka soo wareegatay iyo haddii aad qabtid cillad dhiig xinjiroobista ama xanuunka kolestaroolka.