Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: شرحبيل on April 28, 2019, 05:05:30 PM

Title: Su'aal: Waxaan isticmaalaa sokorta cad?
Post by: شرحبيل on April 28, 2019, 05:05:30 PM
Asc Dr , aad ayaan kaaga mahadcelinaayaa Shaqada aad bulshada uheyso.Waxaan ahay arday barta Medicine sanadkii labaad ayaan maraayaa Dr.  Dr waxaan baaray Sokorta cad ee aan isticmaalo dhibaatadeda kadb waxaan ogaaday iney dhib badan leedahay. Waxaan kaloo arkay groupyo iskugu tagy dad sokorta dhan isticmaalkeeda iskadhaafay . Kadb anigana waxaa goaansaday in aan iskadhaafo. Hada mudo 5 maalin laga joogo maanan isticmaalin ; waxaan isku arkay gaajo badan , ooon badan . Waxaa igu siidhiiragaliyey inaan iskadhaafo waxaan arkay dad dhahaaayo sokor maanan isticmaalin mudo 30 sano kudhawaad, waxayna sheegeen inay dareemaan cafiimad heer sare ah. Lkn marka sokorta iqabato waxaan cunaa Tufaaxa iyo fruits kale  . Waxaa rabaa inaan kuweydiiiyo dictoore :
1. Sokorta jirka bani'aadka faaido nuucee ah ayey uleedahy?
2. Dadkii hore sokortan aan hada istcmaalo ookle miyey Istcmaali jireeen ?
3. Hadii aaan sokorta sidaan iskaga dhaafo inaaan uxanuunsado malagayabaa sokor la'aan darteeed ?

NB.
-Wax xanuun maqabi , inaan cafimaadkeyga ilaalsado ayaan rabaa.
-Malinkasta 30 daqiqo ayaan ordaaa.

     Mahadsanid Dr