Recent Posts

Pages: 1 2 [3] 4 5 ... 10
21
SD Support and Suggestions / @pump_upp - best crypto pumps on telegram !
« Last post by Xuuto on January 29, 2023, 06:09:07 AM »
https://t.me/pump_upp - best crypto pumps on telegram
Make 1000% and more within 1 day, join channel @pump_upp !
22
Qaybta Wacyi Galinta / Dhibaatooyinka Kabka Aan loo Baahnayn!
« Last post by SomaliDoc on January 25, 2023, 04:22:49 PM »


Asc,

Waxaan rabaa maanta inaan ka hadlo mawduuc aad muhiim u ah oo ku saabsan dhibaato bulshadeena ku badan.

Waa kabniinka jeestada oo lagu xiro iyadoo aysan jab jirin, waana arrin ku badan bulshada oo aan maalin walba la kulanno, taasoo ay keentay aqoon la'aanta qofka raajada akhrinayo iyo iyaddoo aan dhib wayn loo arkin in qofka kab la saaro sabab la'aan iyadoo dhianc dhaqaalo laga fiirinayo.

Dhibaatooyinka kabka jeestada ay keento iyadoo aan loo baahnayn waxaa ka mid ah:
  • Lafta la duubay ama la kabay muruqeeda oo dhinto, kadibne la arko lugtii ama gacantii oo tan kale ka yaraatay, waxaa arintaan loo yaqaanaa "Muscle Atrophy", wayna dhib badan tahay in laga soo kabsado.
  • Wareegga dhiiga oo kala xirmo sababtuan waa jeestada oo cadaadis saarayso xididada, tanne waxay ka dhalataa aqoon yarida iyo khibrad la'aanta qofka kabka xirayo, tan waxay keentaa in xubintu ay bararto taasoo dhibka sii kordhinayso haddii aan xubinta la badbaadin, kadibne lugta ama gacantu way dhimanaysaa haddii kabkaas lagu dhaafo.
  • Xinjiroobista xididdada arooriyaasha, tanne waa cillad kale, loona yaqaanno "DVT", oo ah in xinjir ku samaysanto xididka ku aadan meesha la kabay taasoo keeni karto dhibaatooyinka hor le oo ah in xinjirta fariisato meelo halis ah sida sambabada oo kale, faahfaahinta cudurkaan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html
  • Kalagoyska oo xannibmo, arintaan waxay dhacdaa haddii kabka la saaro meel kalagoys ah, taasoo keento in kalagoyskaasi uusan qofka isticmaalin in muddo ah, kadibne sidaa ku qolfoofo, markii jeesada ama kabka la furo, qofka ma isticmaali karo kalagoyskaas maadaama uu isku raysatay, iyadane waa dhibaatooyin badana aan la kulanno.
  • Neerfaha oo dhaawac gaaro, arintaan iyadane waxay dhacdaa markii kabka la saaro meelaha neerfaha jirka ka maro, taasoo keeni karto in dareenka ka guuro qeybta dareensidahaasi quudin jiray, kadibne sidaas neerfaha ku dhinto.
  • Dhaawaca maqaarka ku samaysmo, waxaa jiro dad jabniinka intay daawo mariyaan, kadibne kab saaro, weliba gobollada ayaa aad looga yaqaanaa, taasoo meeshii waxa la mariyay, kadibne kab la saaray markay huurto ay isdayso, maqaarkane fiiqmo sidaa caabuq halis ah qofka ku qaado, maadaama bukaanka uusan u jeedin waxa maqaarka hoose ka jiro, waxuu yimaadaa isbitaalka markuu urka meesha ka soo baxayo u adkaysan waayo.

Ugu dambayn waa muhiim kabka, waana qeyb ka mid ah daaweynta laakiin waxaa shardi u ah in qofka u baahan yahay, sida saxda ahne loo saaro, bukaanakne aan la iska fasaxin oo loo sheegto waxyaabo hadduu isku arko inuu isbitaalka u soo laabto ay tahay.

Sidoo kale waxaa jiro jabitaanno qaar aan lagu kabi karin kabniinka jeesada, taasina waxaa muhiim ah in laga la tashto dhakhtar ku takhasuusay kabniinka lafaha, sababtoo ah waxaa aragnaa bukaan aan kab jeesto waxba ka tarayn oo dhowr bil markuu ku xirnaa kadib loo sheego "jabkaaga ma kabmaayo ee dhakhtar lafo raadso".

Takhassuska qalliinka lafaha waa muhiim, laakiin qeyb badan oo bulshada ka mid ah kama dhaadhacsano ahmiyaddiisa, waxayna aaminsan yihiin in kabka iyo jeeso saarista ay tahay wax qof walba samayn karo, sawirka raajadane uu qof walba akhrisan karo.
Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah, kalabax, seed dillaacay ama go'ay in kab lagu xalliyo!!!

Akhirso qoraallo la xiriira:
Cuntooyinka kabniinka dadajiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html
Qof jabay ma galmoon karaa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7027.0.html

Mahadsandiin.

Wixii su'aalo ah noogu soo gudbi qeybta su'aaalah insha'llah.
23
Qaybta Su'aalaha / Kaar iyo dikaan jilibka ah
« Last post by Salim Moha on December 22, 2022, 07:41:50 PM »
Asc Ugu Horrayntii Waxaa Mahad leh Allah , Sidoo kale waxan Bogadinaya bahda somali  Doc.

Dr Maalin Ayaan Bajaaj ama dhug dhugley ku dhufsaday jilib kamd ah jilbahayga , Aniga  oo kadaganaya,  jilibku habenkas iyo malinteda unbu ixanunay,  kadib xanunki wuu daayay  wax dawa Uma qadan , waxaa Caadi ahaa muddy 20 Bari ah , dabaded malin aya jilibkayga midig oo laban fidiyay markasan kamaqlay sharqan (Pop/crack) (ma hubo inuu yahy kii jugta gaartay) , waxyar hadu labnado oon kalabxiyo wuu sharqamayay,  markale  Aya anoo  labadaba jilib isku kaysaranyihin  baa kii midig  kaar ka daremay,  inta waxii kadambeyay , jilibki Ayan kadaremay Kar yar oo imanaya dhawr jeer muddo dhawr sikin  ah oo tagaya kaas oo ah Dhinacyada jilibka   , kaarkaa imanaya ee tagay Ayan Malmo kadib ku arkay jilibka bidix , dhakhtar ba u tagay , waxa uu iiqoray Vitamin D star iyo  Diclocine 7 Bari ah , Dabbaded wa kulabtay , waxa uu iiqoray Dicloneuron 10 Bari,   Hada , waxan Kadaremaya Labada jilb ba in wax Dhag kadhahyan marka jaranjarta isticmalayo , ama kaabadaha,  Ciladas way wadagan waxayna kubadantahay midigta , Malin dhawed waxa Midigta ku arkay In Knee capku uu Meel kudhagayo marka lugta fidiyo kadib uu ka kacayo , knee cap wuu toosanyahy oo Gees Uma baxayo , lkn waxba qabanaya kadibna sidaynaya ,  waqti xaadirkan Midigtu wayka liidata bidixda , Lawga bidix hada ayaa uu soo bilabaya Crack sound lkn ma badna .

minka xoogaa socod ah hada sameyo way I xanuunayan  , sidoo kale jaranjarada xanuun Ayan ku darema  , haday cabaar  laabnaadaan sidoo kale .

Maxaa talaa  Dr iyo bahda Somali doc , Da'daydu waa 23 Sano , madhelo banooni iwm ,  waxaa intanan jilibuhu I xanunin  horay u isticmalay 2 asbuuc  oo Nexium 40 mg ah iyo 4  asbuuc oo penteprazole 20 mg ah .



Waxan rajaynaya in deg deg iigu soo jawaavtaan Waa mahadsantihin .
24
Qaybta Su'aalaha / Re: Dhibaatada caanaha
« Last post by Milica_soomali on December 12, 2022, 10:06:23 PM »
25
New Members / Re: new member
« Last post by Milica_soomali on December 12, 2022, 10:05:59 PM »
26
Qaybta Su'aalaha / Waxan qaba hal sual
« Last post by Bashka-11 on December 06, 2022, 10:16:24 PM »
Dr awalan Asc,
Wad kaga mahad celina cawinta aad bulshada u heeysid, waxan daremay xanun gubasho ah
Sida qof babasiir hayo Lkn ma na muqdan calamadas in gudaha calosha ama qebta hoose saxarada gudahah ine igubaneysa marka  fadhiyo ama socda gubasho malawadka gudahaha ban darema xita hadi an dhusayo xita aryo kulal ah ba darema ama hadan sarirta jifto Muda 3 week ah ba darema. Asc
27
Qaybta Su'aalaha / Damqasho xaninta ah marka loojiifto dhinac
« Last post by Salim Moha on November 01, 2022, 02:52:40 PM »
Asc dr

Dr sanadii 2021 bishi april aya xanin i xanuntay dhaqtar marka utagayna waxa u iga helay infection dawo u siyay ciproflaxine , docxycline iyo dawo biyo lagu darayo.

Intaa kadib ila iyo manta dhinac hada ujiifto waxan ka daremaya xaninta discomfort
Marka an soconayo ama fadhiyo ama aan jeego jeego ujiifo waxba kama daremo .


Waa mahadsantihiin.
28
Qaybta Su'aalaha / Hemoglobintayda ayaa badan.
« Last post by CAGASAXAR on October 19, 2022, 12:26:54 PM »
Asc Doctor, Da'daydu waa 27 xoogaa waxaa in mudo ah dareenay naqaska oo igu yar (shortness of breath) kadib waxaan tagay dhakhtar baaritaan kadib wuxuu ii sheegay in xididada wadnaha mid kamid ah wax ka khaldanyihiin laakiin maalmo kadib COVID-19 ayaa la iga helay kadib waan ka caafimaaday ilaa labo dhakhtar oo dambe oo mid kamid ah Cardiologist yahay ayaan booqday labaduba wadnaha baadhitaan iiga sameeyay waxayna ii sheegeen inaana wax dhib ah ka qabin wadnaha laakiin waxay igula taliyeen inaan iska rido hilibka madama aan cuslaa xoogaa. Kadib exercise ayaan bilaabay isbuuc ayaan waday ilaa 40 daqiiqo ayaan machine speed 6.5 ah ku socon jiray wax dhib ah kama dareemi jirin alxamdullilaah habeen habeenada kamid ah ayaa dareemay sida anigoo dhici rabo, waan ka dagay dib ayaan u bilaabay ilaa 30 daqiiqo ayaan sii waday alxamdullilaah waxba ma dareemin, habeenki dambe ayaan soo laabtay sidi oo kale ayaan dareemay laakiin habeenkan macal fadhiga waan kari waayay waxaan dareemayaa sida inaan dhici rabo oo neeftu igu istaagi rabto. Dhakhtarki ayaan ku laabtay wuu i baadhay waxba majiraan kaa khaldan ayuu dhahay, laakiin HEMOGLOBINTA ayaa High ah ayuu dhahay 19 ayey noqotay ee dhiig iska shub soo laabo kadib waan shubay waxayna noqotay 17.4 hadana isbuuc kadib wali lalabadi, wareerki ahaa sida inaan dhici rabo ayaan dareemay waan ku noqday Hemoglobintaydi 18 ayey tagtay markale hadana wuu ibaadhay wuxuu dhahay baadhitaankaadu waa nadiif wadnaha, sambabada kuli waa nadiif.

Doctor markaan wareeraayo meel ima xanuunayso sida qof dhici rabo kaliya ayaan dareemayaa, neefta iyara dhibayso, cagaha iyo gacmaha way idhididayaan waana qabow mararka qaar waxaan iskaga shikiyaa xanuun nafsi ah ama quraan u baahan waayo wax xanuun ah anigoon dareemin ayaan dareemayaa inaan dhici rabo ama wadnaha i istaagi rabo hadana waa iska socdaa daal saaid ahna waan leehay.
29
Qaybta Su'aalaha / Qoraxda oo aad ii dhibta
« Last post by Gantaal on October 14, 2022, 02:55:08 PM »
Asc doctor waxaan ka caban hayaa qoraxda oo igubta dadka si ayna u dareemaynin dhidhidna ma yeesho maxaa keenaa arinksas Jizzallahu khayr
30
Qaybta Su'aalaha / Dhibaatada caanaha
« Last post by Assad on October 07, 2022, 07:48:24 PM »
Asc wr doctor waan ku salaamay waxaan rabaa in la'iiga jawaabo dhibaato wiil aan saxiib nahay haysata oo ah

1.haduu caano cabbo inta badan kuwa lo'ada ha karsanaadaan ama yayna karsanaan wuu ku xanuusadaa xanuunka uu dareemana waxaa ka mida
 = dibiro, wadne garaac aad ah huur dhidid , kaadida oo gubta , ama uuna xajisan karin, kalida midig oo xanuunta ama culays ka dareemo xataa murqaha dhabarka iyo boga oo xanuuna.
marka ma caanahaa dhibka wata mise isaga ayay cillad ku jirtaa , mase jiraan xanuuno lagu garan karo dhibaatada ka timaad caanaha uu cabbay? mahadsanid.
Pages: 1 2 [3] 4 5 ... 10