Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Caruurta => Topic started by: SomaliDoc on February 22, 2010, 12:31:23 PM

Title: Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
Post by: SomaliDoc on February 22, 2010, 12:31:23 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qaamow.png)

Qaamo-qashiir, dadka qaarne u yaqaanaa qanjir barar waa cudur ku dhaca badanaa caruurta, dadka waawayne wuu ku dhacaa.
Xanuunka wuxuu ku dhacaa qanjirka lagu magacaabo "Parotid Gland", qanjirkaan wuxuu ka mid yahay qanjirrada soo daayo ama soo saaro calyada, taasoo muhiim u ah calaajinta cunnada.
Waxaa keeno jeermiska feyraska ee loo yaqaano "Mumps", isla magacaas ayaana afka qalaad lagu dhahaa, dad badan oo bulshada ka mid ah ayaa aaminsan in qaamo-qashiirka laga qaado waxyaabo kale sida cunno afka meel ka gashay ama meel wasakh ah oo candhuuf lagu tufo, taasina waxba kama jirto.

Calaamadaha qaamo-qashiirka waxaa ka mid ah:

Boqolkiiba 20% ilmaha ku dhaco qaamo-qashiirka wax calaamado ah ma yeeshaan waxayna halis leedahay in cudurka uu ku faafiyo caruur kale iyadoo aan laga warqabin, si dhakhso ah ayaana lagu kala qaadaa. wadamada qaar waa la iska tallaalaa qaamo-qashiirka.

Markii cudurka caruurta ku soo socdo waxaa lagu fahmaa qandho, madax xanuun, cunno xumo iyo tabardarri. Badanaa cudurka wax baaritaan ah laguma sameeyo oo waxaa lagu gartaa muuqaalka iyo calaamadahiisa.

Qaamo-qashiirka waa cudur ay isku gudbin karaan caruurta wuxuuna ku gudbaa calyada markuu qofku qufaco ama hindhiso.
markii caruurta ku dhaco cudurkaan waxay ku gudbin karaan muddo 2 isbuuc ah gudaheeda.

Qaamo-qashiirka malahan daawo u gooni ah waxaa loo isticmaalaa daawo kaalmaati ah sida qandho jabis, in biyo iyo cusbo lagu luqluqdo iyo cabitaan badan si aan loo fuuq bixin.
Soomaalida qaar ayaa aaminsan in la gubo laakin wax jira ma ahan, badanaa cudurada uu fayrasku keeno way iska baaba'aan mudo ka dib, wax daawo ah looma qaato.
Ilmaha waa in aan la siinin furuutka iyo waxyaabaha aashitada leh inta xanuunka hayo maadaama waxyaabahaas ay kiciyaan qanjirrada calyada taasoo xanuunka uga sii dari karta.

Qaamo-qashiirka waa cudur iska baaba'a maadaama fayras uu keeno, taasi waxay keentay waxyaabo badan oo soomaalidu kula tacaasho in loo saariyo inay iyagu sabab u yihiin ka raaysashada xanuunkaan, laakiin taasi sax maahan oo xanuunka muddo kooban ayuu qofka hayaa, wuuna ka tagaa haddii la gubo ama la kubbeeyo ama bur la mariyo.

Qaamo-qashiirka waxaa looga hortagi karaa tallaal loogu tala galay oo la siiyo caruurta, inkastoo talaalkaas ay dad badani ka sheegtaan inuu waxyeello leeyahay, akhriso qoraal ku saabsan arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3241.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3241.0.html)

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid oo caafimaadkaaga ku saabsan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html), laakiin haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka toos ula hadashid, farriin ugu hagaaji qeybta messages-ka ee boggeena Facebook.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
Post by: Dayib878 on December 08, 2011, 03:30:28 PM
thank you ,aad baad u mahadsantihiin bahda somlidoc ,haddii ay ilmahu ay guri kuwada nool yihiin midka mid ah qaba cudurkan  cudurkana uu yahay mid laysku gudbin karo .marka sidee looga ilaalin karaa  kuwa kale?
Title: Re: Waa Maxay Qaamo-qashiir (Mumps)?
Post by: SomaliDoc on January 06, 2012, 07:07:20 PM
Cudurkaan caruurta waxay kala qaadaan markii ay isku qufacaan, isku hindhisaan ama isla wadaagista cuntada iyo cabitaankane waa lagu kala qaadaa. qofkii ay gaaraan waxyaabaahaas, wuxuu jeermiska feyraska ka qaadi karaa in uu neefsado, indhaha ama dhagaha ay ka galaan.

Sidaa darteed, cudurka qaamo-qashiirka waxaa looga hortagi karaa in uu ku faafo caruurta isla dhalatay ama iskuulka / dugsiga isla dhigato in la tallaalo.

Talaalkaan waxaa lagu magacaabaa MMR, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan tallaalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3241.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3241.0.html)