Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Warsame0202 on June 12, 2017, 02:43:47 PM

Title: Su'aal: Hadaan xoog u cadaysto dhiig ka imaanaya ilkaha?
Post by: Warsame0202 on June 12, 2017, 02:43:47 PM
Asc doc waxa rabay inan faah fahin iga siiso cudurad ilkaha ku dhaca badana waxan isku arkaa marka an cadeysanaayo hadaan xoog ilkaha ucadayo dhiig ka imanaya ilkaha ? marka arinta iga jaahil bixi ado mahdsan
Title: Re: Su'aal: Hadaan xoog u cadaysto dhiig ka imaanaya ilkaha?
Post by: SomaliDoc on March 04, 2018, 08:06:16 PM
Ciridka oo dhiigo markaad ilkaha cadaysatid waxay calaamad u tahay in xididada yaryar ee ciridka ku jiro inay jilcan yihiin waxaana ka qeyb qaato aritaan inuu Vitamin C-ga kugu yar yahay ama cidirka aad ka jiran tahay, marka taladaydu waa inaad si aayar ah u cadaysatid, kadibne hadday ilkaha dhiigaan inaad Vitamin C aad qaadatid, haddii markaa isbadal arki waysid waxaa haboon inaad dhakhtarka ilkaha la xiriirtid.