Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Indho on July 05, 2015, 08:05:26 PM

Title: Su'aal: Waxaan u malaynayaa in gooryaan caloosha iiga jiro?
Post by: Indho on July 05, 2015, 08:05:26 PM
Asc, ramadan kariim, waxan ahay wiil dhalinyaro ah, waxan shaki badan ka qabaa in parasite ama gooryaan caloosha igaga jiro, waliba kan magaciisu yahay entrabius  vermicularis, astaamaha aan isku arkay waxa ka mida, cuncun dabada ah, yalaaligo ama yakhyakhsi, caloosha oo marmarka qaar iska kay socota, waxyar ka dib cunada gaajo ayan dareemaya, hadana cuno badan ma cuni karo. Waan caatoobay oo waxad mooda inan jidhkaygu cunada nafaqo ka helayn. Hadaba suaashayda muhiimadedu waxa weeyi sidee lagu baadhaa parasite-kan aan isaga shakisanahay waayo under microscopy laguma arki karo ugxanta markaa qaababkale oo lagu baadhi iyo talo iyo tusaale caafimaadba waan idiinka baahanahay.waxaan ku noolahay wadanka Germany.
Title: Re: Su'aal: Waxaan u malaynayaa in gooryaan caloosha iiga jiro?
Post by: SomaliDoc on July 08, 2015, 04:26:36 PM
Enterobius Vermicularis waa nooc ka mid ah gooryaanka pinworm, waxaa caado u ah gooryaankaan in dhedigga ay ukunta dhigto banaanka kore ee futada agagaarkeeda, si loo baarayne waa in sharooto loogu talagaly in futada dhinacyadeeda subaxii hore inta aadan dhaqanin ama qubeysan in lagu dhajiyo si ukumaha ay sharootada ugu dhagaan kadibna lagu baaro microscope.
Haddii saxarada la baaro lagama arko gooryaankaan.

Baaritaanka waa dhowr subax oo isku xigta la sameeyo, haddii 5 goor la waayo oo negative noqdo baaritaanka markaas ma qabtid, laakiin haddii mid ka mid ah laga helo waa in lagaa daaweeyo.

Laakiin ogow xanuuno badan oo caloosha ku dhaca ayaa cuncun dabada leh oo saxarada in lagaa baaro waa muiim si looga fiiryo xanuunadaas kale.

Sharootada loo isticmaalo gooryaankaan waxaa la dhahaa "cellophane tape test".
Title: Re: Su'aal: Waxaan u malaynayaa in gooryaan caloosha iiga jiro?
Post by: Raaqiya Sh on January 28, 2016, 05:58:30 PM
Asc futada cuncun uu ilmaha yar carcararayo oo lugaha ka figfigsiinayo lkn aan waxba ka muuqanayn  futada casaan yar mooyaane muxu noqankara
Title: Re: Su'aal: Waxaan u malaynayaa in gooryaan caloosha iiga jiro?
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 03:49:05 PM
Wuxuu noqon karaa xanuunkaan ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4410.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4410.0.html)