Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abu Muhammad on January 28, 2016, 11:04:18 PM

Title: Su'aal: Haweney macduur ah, haddii loo galmoodo?
Post by: Abu Muhammad on January 28, 2016, 11:04:18 PM
Haweney macduur ah?!
Asc wr wb Dr marka hore aad ayad ugu mahadsantihiiin cawimaada ad nacaawisaan nagana jahil bixisan wixi anan aqoonin.
 Waxan qaba 2 su'aalo.
 Waxan raba inan ogaado dhibta ama qatarta ka iman karta xaaskaga oo caadada u jogto ad u galmooto?
Tan kle xaaskeyga waxan isticmaley iyado caado qabto caadadas kadib waxa la gaarey waqtigi kle e u imanlahayd dhiigaa balse waxay kaso daahdey 5malmod  waligedna iskuma arag wa markii ugu horeysey e kaso dahdo malmo intaas la'eg waxa is gursaney waqti dhow muddo laga jogo bil da'denana wa 21jir dr nala tali maxa xal ah o sameyna uurna malahan o wan baaray jwbtaada ad ayey muhiim igu tahay plz iso jwb. inshaa'ALLAH Asc wr wb
Title: Re: Su'aal: Haweney macduur ah, haddii loo galmoodo?
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 03:52:30 PM
Wax kasta oo alle na faro caafimaad iyo faa'ido aduunba noogu ma jirto, waana arrin taariikh ahaan loo arkay haddii xitaa aanan loo haynin fasiraad cilmi ah.
Xaaska oo loo tago iyadoo caado qabto, weli asbaabtii loo yiri oo cilmiyaysan lama hayo aan ka ahayn in markii haweentu caadada qabto in ay u nugushahay in infekshan ay qaado iyo in dhaawac gaaro.
Laakiin nadaafadda iyo dahaarada uma fiicno taasi waa mid aanan u baahnayn cilmi baaris, midda kale alle wuxuu qoraankiisa ku sheegay in dhib noogu jirto sida aayada ka muuqato, dhibkaas wax badan lagama ogo maanta laakiin qof muslim ah uma sameeyo arrin alle xarimay darteed haddii xitaa qolooyink wax baaro haddi ay dhahaan caafimaad ayaa ku jiro.

Xilliga caadada hormoonada ma saxno, amana ahan xilli loogu tala galay in la galmoodo, haddii ay sidaa dhacdane way timaadaa caado wareeri yo caado xanuun intaba.