Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaaficifalcoa on July 01, 2017, 04:40:20 AM

Title: Su'aal: Duray soo noq noqda?
Post by: Shaaficifalcoa on July 01, 2017, 04:40:20 AM
asc walalayal somalidoc,Waxaa aan in mudo ah igu soo noq noqda hargabka/durayga aniga oo labadii isbuucba mar sanku i xidhmo kaliya intaas ma ahane sanku mar i xidhmo ma qufaco balse labada dul ee sanka mid ka mid ah ayaa i dareera/hoora mudo ku dhow 5 malmod kadib aya laga yabaa inan qufac bilaabo ama iga baxo waxaa uuna iga maqnada waa wax yar. cilada aan isku arkaa waxay tahay sida caadiga ah isaga oo aan duray i haynin ayaan markii aan weysaysanayo ama madaxa biyo yar ku shubo bilaabaa hindhiso badan mararka qaankoodna markan hindhiso waxaan dareemaa ur qadhmuun oo anan jeclaysan oo sankayga ka soo baxda.
Title: Re: Su'aal: Duray soo noq noqda?
Post by: SomaliDoc on April 22, 2018, 01:52:15 PM
Hergabka oo soo noqnoqdo waxaa keena difaac yarida qofka, fadlan akhriso qoraalkaan si aad u ogaatid hargabka iyo daawooyinka dabiiciga ah ee lagu daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0)

Qaabka aad u tilmaantay cilladaada, waxay u badan tahay inaad qabtid caabuqa sanqada oo sabab u noqon karo hargabka soo noqnoqdo ee ka akhriso halkaan waxa ay tahay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)