Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Biyo-dahab on August 18, 2018, 12:59:29 PM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay mashquul badan?
Post by: Biyo-dahab on August 18, 2018, 12:59:29 PM
Aaslamu alaikum

Dr aad baan ku salamaya wadan ku mahdsn thy sida cilmigaga ugu fa‘iday nayso wlalhaga xanuun sanaya JazakaAllah????????.
 
Aan uso noqdo su‘ashayda Wxan ahay gbadh yre wxnan ku nolahay wadanka dibadisa taas oo ka fogahay Hooyaday iyo walahay baa, wxn isku arkay in mudo dhawayda xanuun cabsi ah tusale ahan  Subxi markan so kaco warwar faro bdn fikir badan oo anaan garanay wxn ka fikirayo mashquul intas wx idheer in marka is idhahdo dibada u bax naxdin tii igu sii badnayso cunto xumo farxad la‘aan xaga wx brshada marka class ku jiro wxba ma fahmayo cadho saa idah.
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay mashquul badan?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2019, 11:21:57 PM
Allaha ku caafiyo, astaamaha aad sheegtay waxay tilmaan u tahay inuu ku hayo xanuunka welwelka ama waxa loo yaqaano "Generalized Anxiety Disorder", wuxuu qofka dareemaa cabsi, welwel, caajis, xamaas la'aan, maskax mashquul, hilmaan, hurdo xumo, farxad yari, qofka oo ka cabsada inuu guriga ka baxo, isagoo ka sii fakara inuu dhib la kulmayo taasoo fadhiid ka dhigayso ama inuu ka caga jiido waxyaabo badan oo uu samayn lahaa, walaal taladaydu waa inaad quraan akhriska badsataa waadka gudbaysaa waa marxalad dad badan la soo darista, faahfaahinta cilladaan ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5865.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5865.0)