Tikidhada Dhimasha Dalka Ukraine..
Sanad walba waxaa lagu soo dhaweeyaa farxad xafladeen iyo soo dhaween gaar ah ,laakiin sanadkaan see beey kula kulmeen dadka Soomaaliyeed ee kunool wadanka Ukirane gaar ahaan dadka u joogo Gudbitaanka (Tahriib),
Waxaa xusid mudan in dad badan ee kunoolyihiin wadanka Ukraine dadkaas oo aan waxbarasho u joogin laakiin ujoogaan inee ka gudbaan ama ee ka galaan wadamada dariska ah ee United Europe ah, iyagoo ka gudbaayaan xuduudka u dhaxeeya dadlalkaas gaar ahaan Hungary ….
Dadkaas waxee kugudbaan lug ee uga baxaan wadanka Ukraine waxeena ku lugeeyaan duruuf adag aan sahlaneen ,(qeeb ilmo wata dumar uur leh nooc walba ) qaboow aad u daran ee dadkaas kulugeeyaan iyagoo ee habeenkii lugeeyaan maalintiina ee kudhuuntaan guryo loo diyaariyay…
Tikadka dhimashada waxee ku gataan dadkaas lacag gaareeso ilaa 4000$ waxaana kaqaata dad Ukraine ah oo wadada gudbiyo gaarsiiyana ilaa xuduudka Hungary..
Soomaali gaareeyso ilaa 100 waxee kujiraan Xabsiyada dalka Ukraine kuwaas oo lagu soo qabtay dariiqa tahriibta , kuwana waa la dhacaa oo inta laga kaxeeyo gobol aa gobol kale la geeyaa oo la dhahaa waa imaadeen Hungry saasna looga dhacaa lacagtooda sijnina kugalaan
Kuwo kalena dhimasho ee wadada kula kulmaan , Sanadkaan 2008 koox gaareeso ilaa 6 qof oo ka gudbeeysay xuduuda u dhaxeesa Ukriane iyo Hungry waxee la kulmeen bal ila fiiriya markaasna arka ma istaahishaa in dhibkaas dhan loo maro ama naftaada aa halis u galis dhoof dartiis…..
Kooxdaan oo ah kuli Soomali aa markee sii lugeeynaayeen waxaa ladul mariyay wabi qaboowga awgiis barafoobay oo qalalay laakiin mar walba wax walba sida larabo manoqdaan wabigii aa ladumay wiil iyaga kamid ah oo liqay iyagoo u jeedaan inta hartay wax kaalma ahna aa u sameen Karin saasna ayuu ku dhintay intii kalena kusii wadeen socodkooda,
Laakiin qeebta hartayna kama nasiib fiicneen markee gaareen siligii u dhaxeeyay Ukirane and Hungry ayaa kusoo baxeen askarta xuduudka ilaalisa dhanka Ukirane markaasna ee xabadeeyeen wiil kamid ah kaliya ayaa ka gaaray inuu siliga ka gudbo oo uu ugudbo dhanka Hungry 3 wiil waala soo qabtay gabar lasocotayna baabuurkii intee meel kudhuumatay ayaa baabuurkii askarta dulmaray ,waxaa loo badinaayaa inuu kas u maray gabadhaas baabuurka 3 wiil oo lasoo qabtayna waala xiray waxee ku darmeen Soomalida kujirta Xabsiyada Ukirane .
Inaa li Laah wa Inaa Ileeyh Raajicuun , Ilaa goorma ee kujiraayaan dadkeena inee ku dhamaadaan Tahriib marna Doomaha Yaman ama Ukriane Xuduudaheeda ama Liibiya ama meela kaloo badan??? , Ilaa goormaa ee nafta qofka Soomaaliyeed u ahaaneesaa raqiis aan la isweediin hadee dhimatayna yeey ka dhimatay???? Ilaa goormaa wadanka uu saan kujiraayaa dadkana eeku khasbanaanaayaan inee kabaxaan iyagoo raadinaayo nolol ka wanaagsan ????
Mase Istaahishaa isbiimeenta ee isbiimeenaayaan dadkaan iyo dhibka ee la kulmaayaan , koleey aniga waxee ila tahay waa wax xaaraam ah Ilaaheeyna quraankiisa wuxuu kudhahay (ولا تلقو ايديكم الى التهلكه)
Diinteena waa xaaraantimeeysay inuu qofka naftiisa halaago…
Gabagabadii madhahaayi wax kale aan aheen Ilaahooow wadankeena nabad nooga dhig dadkeenana dhibaatada ka dul qaad Aaamiiin
Dr.Noora