Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on June 26, 2009, 09:37:48 PM

Title: Hargabka maxaa lagu daaweeyaa ?
Post by: Raaliyo on June 26, 2009, 09:37:48 PM
SALAMU CALAYKUM;

Walaalyaal waxaan idin weydiinayaa suashaan oo ah maxaa u daawo ah hargabka tan kale haargab baa igu dhacay shan casho buu i hayaa dhibatada i haysa waxaan dareemayaa xabadkayga inuu i xiran yahay markastana waan qufacayaa xab adag
baa iga dhagan laabta oo aan iga soo fuqayn wuxuuna igu abuurayaa riiraxyo badan sankana waa i xiran yahay mar walba dhaqtarka baan u tagay wuxuu isoo qoray dawada la yiraahdo (prednisolone)  waa streroids waxayna igu dhaheen sideed hal mar liq xabadii waa 5mg markaa walalaayaal dawada waan ka shakisanahay iga soo tala bixiya waxa ay tarto. tan kalana maxaan isaga daaweeyn karaa xabka igu dhagan.

Many thanx.
Title: Re: Hargabka maxaa lagu daaweeyaa ?
Post by: SomaliDoc on July 01, 2009, 08:40:38 PM
Cudurrada lagu daaweeyo prednisolone-ka waxaa ka mid ah Neefta iyo Sanboorka.
Hargabka malaha daawo waxaana keeno feyras.
Kaniiniga hadduu yahay 5mg waxaa la qaataa bilawgii 10 ilaa 20mg maalintii, ama hadduu xanuunka aad kuu hayo waxaa la qaataa illaa 60mg maalintii weliba subixii quraacda ka dib.
Kadibne daawada tartiib ayaa loo soo yareeyaa ilaa laga istaajinayo.
Marka haddii aad qaadatid 8 kaniini hal mar waa 40mg.
Maadaama dhakhtar aad xiriir la leedahay daawane kuu soo qoray waxaa habboon in aad la xiriirto wixii kugu soo kordhay iyo wixii isbadal ahba.

SomaliDoc