Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barwaaqo on July 09, 2015, 05:24:56 PM

Title: Su'aal: Sidee ugu haboon ee loo daweeyaa Fibroids?
Post by: Barwaaqo on July 09, 2015, 05:24:56 PM
Asc Ramadaan kariim

waxaan rabaa in an wax ka ogaado xanuunkan oo magacisa la yidhahdo (fibroids) wuxuuna xanunkani ku dhacay ilma galeenkayga,

intii aan qabay xanunkan waxaa iga soo dhacay 2 caruura, 

Anigu waxaan u fahamy buro lkn ma hubo, hadab dhakhtar

Suasgaydu waa  Side ugu haboon ee loo daweeyaa? xanuuno kale ma isu badali karaa?

M/sanidin

Barwaaqo
Title: Re: Su'aal: Sidee ugu haboon ee loo daweeyaan xanunkan?
Post by: SomaliDoc on July 12, 2015, 02:18:37 PM
(http://somalidoc.com/Topics/buromakaan.png)

Fibroid waa buro aan kansar ahayn oo ka soo baxdo minka / ilmogaleenka, waxayna ku badan tahay haweenka ku jir da'da dhalista.

Waxay ka soo ugmataa murqaha darbiga minka, way weynaan kartaa oo waxay saameyn kartaa caadada ama uurka ama wax yar oo dhib weyn lahayn ayay noqon kartaa.

Badanaa si kadis ah yaa lagu ogaadaa in buradaan ay kugu taallo adigoo wax xanuun ah aanan ka cabanin ama waxaa dhic karto in aad ka sheegatid caado wareer, caado xanuun ama caado badan, kadibne baaris ka dib ayaa la helaa buradaan.

Inkastoo aysan buradaan wax astaamo aysan lahayn laakiin haweenka ka sheegto waxay dareemaan:
1- Caado xawli u socota
2- Cadaadis ama xanuun miskaha ah
3- Kaadi badan
4- Kaadida oo aan dhakhso dhamaanaynin
5- Calool fadhi
6- Dhabar xanuun ama lugo xanuun

Inkastoo aanan safiican loo garanaynin sababta keenta buradaan laakiin waxaa la aaminsan yahay in ay hiddewade ay tahay oo la kala dhaxli karo, waxaa la arkaa in qoysas gooni ah ay ku badan tahay.
Waxay kaloo ka imaan kartaa cillad hormoonnada la xiriirto khaas ahaan hormoonka estrogen iyo progestrone.

Buradaan ma keento jahwareer waxa ugu badan ee keeni karto waa dhiigyari maadaama caadada ay badiso, badanaane uurka saameyn kuma yeelato, haweenku uur way qaadi karaan iyagoo leh buradaan, inkastoo ay takhaatiirta ku taliyaan in buradaan la daaweeyo inta aadan uur qaadin maadaama ay dhici karto in ay uurka ridaan ama saameeyaan korriinka uurjiifka haddii cabirkeedu uu wayn yahay.

Buradaan markii ay aad u wayn tahay oo minka badankiis buuxiso waa muhiim in lagaa qalo, inkastoo markay yartahay ay takhtarka kuu qori karo daawooyin shuuqin kara ama yarayn kara cabbirka fibroid-ka.

Sidaas awgeed waa muhiim in aad dhakhtarka la xiriirta si loo hubiyo in ay buro jirto iyo nooca ay thay, meesha kaga taallo minka iyo in ay dhibka iyada ka socdo iyo in kale.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: Xanuunkaan Takayasu's Arteritis wuxuu ka mid yahay xanuunada ku dhaca xididada, kaasoo keeno in xidadu ay dhaawacmaan, wuxuunak u badan yahay haweenka markii ragga loo eego, mana ahan xanuun dunida ku badan, wuxuu badanaa ku dhacaa xididada waawayn sida kuwa wadnaha dhiiga ka soo qaado ee "Aorta" iyo faracyadiisa, markuu xidida dhaawaco waxay keenaan inay bogsadaan kadibna xididkii uu cariiri noqdo.

Cillada xanuunka waa cillad isdifaacis jirka ah "Autoimmune Disorder", waana xanuun la kala dhaxlo, dhakhtarka markuu ku wiisatayno wuu ka shakki karaan in aad qabto xanuunkaan, maxaayeelya sida caadiga ah meelaha ay xidida maraan markaa farta lagu cadaadiyo waxaa la dareemaa garaaca xididka, laakiin cudurkaan waxb lama dareemo, sidaas ayaana loogu bixiyay "Pulseless Disease".

Dadka qaar ma qabi karaan wax calaamado ah, horayne lagama garto illaa inuu qofka cillado kale iyadoo la baarayo al arko mooyee.

Waxaa xanuunkaan lagu ogaadaa raajo dheeh wadato oo loo yaqaano "Angiogram" taasoo soo muujinayso xididada.

Waxaa daawo ahaan loo qaataa daawooyin yareeyo dhaawaca xididada ee inta la ogyahay ma jirto daawo looga wada bogsado xanuunka.

Akhriso Caado Wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html)
Akhriso Caado xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html)
Akhriso Caadada xawliga ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html)
Akhriso Caado dhiig la'aan ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6280.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6280.0.html)

Haddii aad rabto faahfaahin dheeraad ah, fadlan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)