Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nimco Jama on May 03, 2016, 05:08:27 PM

Title: Su'aal: Waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh?
Post by: Nimco Jama on May 03, 2016, 05:08:27 PM
Walalayal wan idin salamaya salanta islaamka salan ka dib aad ban idin ku mahadinaynaynaa hawsha wanagsan ee aad u haysaan umadiina illahay idankii salan ka dib waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh wax ubad ahna illahay subxana watacala ima siin dhiiga caadada ayan ku xanuunsada xiligii uu iga iman jiray xili ka durugsana wuu iga imanaya isago halmalin soconaya dhakhtar ban u tagay baadhitan dheer ka dib wuxu i sheegay,,in kaadi mareenada iyo kaadi haystu i bukaan  iyo inhoormoonka naasaha ee caana ay igu badan yihiin uuna kugu keenY bu i dhahay in qaybahagi taranku diciifaanwuxu kalo  ishegay in minku u caabuqay wan dawoyin ayu iso qoray uu yidhi caanaha ayay kaa qalajinayan walal wan fahmi wayay aafna wan uga naxay hadalkisa lkn dhib maleh bu igu yidhi ee walalayal iga jaahil bixiya xanuunadas aan idin so waydiyay weliba hoormonka caanuhu wuxuu yhy iyo akhbaardheeri ah hadad u leedihin idinko mahadsan wan walwalsanahe illahayna ii barya in uu ubad isiyo muslimku  ducada wa isku leyahay
Title: Re: Su'aal: Waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh?
Post by: SomaliDoc on May 22, 2016, 07:50:40 PM
Hormoonka uu dhakhtarka sheegay inuu kugu badan yahay waxaa loo yaqaanaa "Prolactin" ee ka akhriso halkaan qoraal faahfaahsan oo ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6359.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6359.0)
Waxaana eebe kaaga baryayaa inuu caruur ku siiyo.
Title: Re: Su'aal: Waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh?
Post by: Nimco Jama on May 24, 2016, 06:41:40 PM
Dr wad mahadsan tahy sida ad iiga jaahil bixisay suashas ,,, dr daawooyin ayu iso qoray imase sheegin xanuunku mesha uu marayo iyo in uu nabar igu sameyay ito in kale dawoyinkas ayu iso qoray ee walal ifahfahi mesha xanuunkaygu marayo ada fahmaya xanuun kasta iyo daawadasa waana tan dawadii                                                benzathine penicillin for injection  2,4mg waa irbado afar xabo ah oo 1week xabad la igu mudayo..                                                           endol 25mg kapsul oo ah kiniin iyo  dapagon oo isna kiniin ah  iyo mid aan is idhi waa vitamin oo la dhaho neovita  walal xanuunkaygas mesha uu marayo  iso sheeg illahay ajar iyo xasanaad haka siiyee mida kale daawadu wax ma iga bedelaysa illahay idanki uurse ma qaadi karaaa
Title: Re: Su'aal: Waxan ahay xaas 4 years iyo kabadan guri leh?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2016, 07:52:15 PM
Sadaxda daawo ee aad xustay xiriir lama lahan xanuunka hormoonka ee aad tilmaantay, mid waa qallajiye, xanuun baab'iye iyo fitamiin.
heerka uu marayane lagama garto daawada ee baaritaan dhiigga lagu sameeyo ayaa lagu gartaa, fadlan la xiriir dhakhtar ku takhasusay cudurrada haweenka si lagaaga jaahil bixiyo arintaan.