Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Indhataag Ali on December 17, 2019, 05:12:33 PM

Title: Su'aal: Waxaa la iga sheegay Type1 Diabetic?
Post by: Indhataag Ali on December 17, 2019, 05:12:33 PM
Asc, waad ku mahadsantihiin qaabka aad bulshada Soomaaliyeed ugu faa'idaysaan.

Waxaan ahay 28 jir lab ah oo ku nool Somalia, 24/June/2019 ayaa la igu sheegay Type1 Diabetic. Marka aan is baarayey waxan isku arakay kaadi badan iyo haraad. Mudda yar ka dib markii xaaladaydu degtay oo aan bilaabay dawadii (Insulin Injection) heerkii caadiga ahaana ay ku noqotay sonkortii, ayaan lugaha ka dareemay gubasho, kabuubyo iyo qandhuufo.

NB: 9/Febaraayo/2019 mar aan marayey jeekin caafimaad anoo India jooga waxn suubiyey Fast iyo Random test normal ayaan ahaa.

Marka ditoore su'aashaydu waxay tahay ma dhici kartaa wakhtigaas kooban in ay Sonkortu ku geysato Nerve damage?

NB: in ka yar laba bilood markaan irbada qaadanayey waxaan isku arkay sonkor dhicid badan (Hypoglycimia) oo saa'id ah soona noqnoqonaysa, waan joojiyey dawadii 21dii August. Balse kantaroolka iyo cabirka joogtaan u waday. Cuntada wax badan kama badalin waxn iska yareeyey wax yaabaha macaanku ku badanyahy. Socod joogtaana waan sameeya goobtayda shaqo oo guriga ka fog awgeed. 6/November ayaan suubiyey HBA1C waxay noqotay 6.8 balse weli wan dareemayaa kabuubyadii iyo gubshadii lugaha in kastoo ay heerkii hore ka yaryihiin. Calaamado kale oo aan intaa ahayn ma lihi. Fadlan ila taliya.

                        MAHADSANIDIIN!