Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on December 20, 2021, 11:49:38 AM

Title: Cudurka Teetanada
Post by: Akhaa Binu Jowhari on December 20, 2021, 11:49:38 AM
Asc Doc, waan kaaga mahad celinayaa hawsha aad ummadda Somaliyeed u hayso oo marwalba aad ka wacyigeliso arrimaha caafimaadka.
Madaama waayahan halkaan wax su'aal ahi aanan ku soo gudbin in muddo ah. Waxan doonayaa su'aasha ah ilma-yar oo lagudaayo, misna aannu qabin wax tallaal ah Tetanus vaccine, oo jooga meel miyi ah, malagu duri karaa cirbadda.       Anti-toxin, Soomaalidu u taqaano Teetanada. Si looga hortago in dhibaatooyinka laga filaayo biraha waxa lagu sanceeyo, side: muruqaha toobma, surka oo adkaada, side casharaka aad horey uga soo hadashay. Si kastaba ha'ahaate, antitoxin isticmaalkeeda malooga baaqsan karaa khatarta?
Mise waa in aan geeyaaa goob caafimaad leh tallaalka tetanus?


Farqiga u dhexeeya Antitoxin iyo Tallaalka Tetanus maxa u dhexeeya?


Anti toxin ma tallaaalka Teetanada mise cirbad kale weyaan oo ka duwan?


Waxan rajeynayaaa in aad iiga soo jawaabi doonto
 Insha Allh mahadsanid Dhakhtarka aan ku faanno misna ah inbadan aan ka faa'iideystay aqoontiisa wax galka ah, oo maantaba ladhihi karoo bulsho badan wax waa u tartay.
Title: Re: Cudurka Teetanada
Post by: Milica_soomali on December 21, 2021, 11:30:24 PM
(http://s01.flagcounter.com/mini/ezoj/bg_FFFFFF/txt_DDDDDD/border_FFFFFF/flags_1.jfif)