Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on January 25, 2023, 04:22:49 PM

Title: Dhibaatooyinka Kabka Aan loo Baahnayn!
Post by: SomaliDoc on January 25, 2023, 04:22:49 PM
(https://orthoheal.com/wp-content/uploads/2017/06/cast-2Bcomplications.jpg)

Asc,

Waxaan rabaa maanta inaan ka hadlo mawduuc aad muhiim u ah oo ku saabsan dhibaato bulshadeena ku badan.

Waa kabniinka jeestada oo lagu xiro iyadoo aysan jab jirin, waana arrin ku badan bulshada oo aan maalin walba la kulanno, taasoo ay keentay aqoon la'aanta qofka raajada akhrinayo iyo iyaddoo aan dhib wayn loo arkin in qofka kab la saaro sabab la'aan iyadoo dhianc dhaqaalo laga fiirinayo.

Dhibaatooyinka kabka jeestada ay keento iyadoo aan loo baahnayn waxaa ka mid ah:

Ugu dambayn waa muhiim kabka, waana qeyb ka mid ah daaweynta laakiin waxaa shardi u ah in qofka u baahan yahay, sida saxda ahne loo saaro, bukaanakne aan la iska fasaxin oo loo sheegto waxyaabo hadduu isku arko inuu isbitaalka u soo laabto ay tahay.

Sidoo kale waxaa jiro jabitaanno qaar aan lagu kabi karin kabniinka jeesada, taasina waxaa muhiim ah in laga la tashto dhakhtar ku takhasuusay kabniinka lafaha, sababtoo ah waxaa aragnaa bukaan aan kab jeesto waxba ka tarayn oo dhowr bil markuu ku xirnaa kadib loo sheego "jabkaaga ma kabmaayo ee dhakhtar lafo raadso".

Takhassuska qalliinka lafaha waa muhiim, laakiin qeyb badan oo bulshada ka mid ah kama dhaadhacsano ahmiyaddiisa, waxayna aaminsan yihiin in kabka iyo jeeso saarista ay tahay wax qof walba samayn karo, sawirka raajadane uu qof walba akhrisan karo.
Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah, kalabax, seed dillaacay ama go'ay in kab lagu xalliyo!!!

Akhirso qoraallo la xiriira:
Cuntooyinka kabniinka dadajiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html)
Qof jabay ma galmoon karaa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7027.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7027.0.html)

Mahadsandiin.

Wixii su'aalo ah noogu soo gudbi qeybta su'aaalah insha'llah.
Title: Re: Dhibaatooyinka Kabka Aan loo Baahnayn!
Post by: Milica_soomali on March 29, 2023, 09:09:59 PM
(http://s01.flagcounter.com/mini/ezoj/bg_FFFFFF/txt_dddddd/border_ffffff/flags_1.jfif)