Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Indhayare on July 20, 2009, 05:44:42 AM

Title: Su'aal:Sidee Loo baadhaa Dhiigga Dhalmadda Ama DNA?
Post by: Ahmed_Indhayare on July 20, 2009, 05:44:42 AM
Assalamu calaykum.
walal Doonayaa inaad fikir iga siisaan sida loo baadho Dhiiga Dhalmadda Ma DNA iyo hadii kale oo magac kalee la yidhaahdo?

Muran ayaa ka dhashay wiil la isku Qabsaday Dhalashiisa iyo Hooyada dhashay? markaa waxan raba bal in fikir laga iga siiyo sida  loo xalin karo Arinkaas iyo waxa lagu kala saari karo Arintaas?
Qaabka loo baadho Dhiigaas????
Sida loo xalin karo arintaas .

Waad mahadsan tihiiin.
Title: Re: Su'aal:Sidee Loo baadhaa Dhiigga Dhalmadda Ama DNA?
Post by: SomaliDoc on July 21, 2009, 11:42:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dna.png)

DNA waa wax ku dhex jira unug kasta ee jirkeena, waxaana jirkeena ku jira in ka badan 100 bilyan oo unug, marka la rabo in la baaro DNA-da waxaa la qaadayaa unugyadaas mid ka mid ah, waxaa laga qaadi akraa tinta, afka ama jirka meeshii loo baahdo.

DNA waa meesha lagu keydiyo macluumaatka qofka bini'aadanka, waana meesha laga kotaroolo unuga ay ku dhex jirto, sida aan wada ognahay qofka markuu abuurmayo wuxuu ka abuurmaa hal ungu, kadib ayay tarantaa oo dhowr ungu noqotaa, unugyadaas mid walba wuxuu eebe ugu talagalaa shaqo u gooni ah in ay qabato, tusaale ahan, unuga indhaha ku jiro waxaa loogu tala galay aragga, kuwa dhegaha waa maqalka, kuwa sanka waa urinta ama carfinta, laakiin ogow waxay ka wada yimaadeen hal ung oo mid walba shaqada loogu talagalay DNA-da ay xambaarsan tahay ayaa qabanayso.

DNA-da marka waa shay muhiim ah oo warbixinno badan laga heli karo taasoo ay ka mid tahay qofka jinsigiisa, midabka jirkiisa, meesha uu ka soo jeedo hiddo ahaan, xitaa waxaa la baari karaa cudurrada uu dhexlay ama uu dhexli karo ama faraciisa uu dhaxal u leeyahay.

Baaritaankaan DNA-da waa baariteen hormarsan meel kastane laguma sameeyo, waxaana loo yaqaanaa magacyo kala duwan sida:
DNA Profiling, DNA Testing, DNA Typing, Genetic Fingerprinting
Waa hal baaritaan oo dhawr magac leh.

Baaritaankaan aadka u sarreeya oo ay adeegsadaan culumada ku takhasusay climiga dambibaarista (Forensic Scientists) waxaa looga gol leeyahay in lagu ogaado qofka DNA-diisa u goonida ah maadaama qeyb ka mid ah DNA-da uu eebbe qof waliba u gooni yeelay.

Baaritaanka Aabanimada iyo Hooyanimada (Paternal & Maternal Testing)
Baaritaankaan ayaa waxii ka sii farcama qeyb lagu ogaanayo xiriirka ka dhaxeyn kara laba qof oo waalid isku ah.
Baaritaanka haddii la baarayo aabaha cunuga waxaa loo yaqaannaa (Paternal Test) hooyadane waxaa loo yaqaannaa (Maternal Test).
Fikradda baaritaanka waa in la is barbar dhigo labada DNA ee la baarayo kadibna laga soo saaro mid DNA-da ka mid ah in ay ka timid midda kale oo laga soo koobiyeeyay.

Haddii aan kuu sii faafaahiyo DNA-da waxaa loo qeybiyaa marka halkaan la joogo labo
1- Mitochondrial DNA - Tani waxay ka socotaa hoooyada waxa ayna taraysaa kaliya in labada qof ee la baarayo ay xidid yihiin (hooyannimo ma sheegeyso).
2- Nuclear DNA - Tani waxay ka socotaa dhinaca aabaha waxa ayna taraysaa in labada qof ee la baarayo ay is dhaleen iyo in kale.

Sidaa darteed waxaa badanaa la baaraa aabanimada markaa ka dibne baaritaanka hooyada wuu xoojinayaa.
Haddii dhallaanka uu yahay wiil, aad ayay u sahlantahaya in aabihiis la helo iyadoo laga tix raacayo koromosoomka "Y" maadaama aabaha kaliya uu ka qaato.

Waxaa kaloo lagu ogaan karaa dadka dambiilayaasha ah, haddii ay uga tagaan meesha falka ay ku sameeyeen wax la xiriira, sida tintooda, dheecaankooda iyo wixii la mid ah, markii la baaro DNA-da waxaa la ogaan karaa dadka la tuhunsan yahay qofka leh waxaas la baaray.

Marka waa baaris waxyaabo kala duwan loo adeegsan karo oo faa'ido u leh biniaadanka.

AKHRISO QORAAL MUHIIM AH OO KU SAABSAN SIDA CUDURRADA LOO KALA DHAXLO: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4217.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4217.0.html)
Haddii aad su'aalo qabtid dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)