Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on May 06, 2011, 09:18:24 PM

Title: Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?
Post by: Nuur12 on May 06, 2011, 09:18:24 PM
Salaan sare dhamaan dhaqaatirta webkan ku caawinaya walaalohooda kale sida hagarla aanta ah
hadaan tayda u soo noqdo waxaan qabaa 2 su'aal 1 gabadh qaliin lagu sameeyay 3 month la iga joojiyay galmadeeda si aanay uur u qaadin masiin karaa plis 21 tabs si aan ugu galmoodo hadayse uur qaado ma siin karaa isla kaniinkan good by ALA MAHAD LEH
Title: Re: Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?
Post by: SomaliDoc on May 11, 2011, 01:43:05 PM
Walaal in daawada aad sheegeyso siin karto xaaskaaga iyo sida aad u siin kartaba kala tasho takhtarkaaga.

Halkaan daawo kuma qorno.
Title: Re: Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?
Post by: Nuur12 on May 12, 2011, 07:45:35 PM
marka le walaal sidaan hore  u sheegay waxaan u baahanahay in aad ii sheegtaan  waxa aan siin karo gabadh qaliiin lagu sameeyay lana yidhi sadex bilood ha u galmoon  oo dhaqtarkuna itoobiya yahay  oo aanan wax xidhiidh ah la samayn karin waxaad ii sheegtaa waxa aan siin karo ee daawo ugxanta disha good by
Title: Re: Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?
Post by: SomaliDoc on May 14, 2011, 10:14:27 PM
Walaal Nuur waxaa jira qaabab kala duwan oo la isaga ilaaliyo uurka, qaybahaas waxaa ka mid ah in la isticmaaloo daawooyin kuwaasoo kala duwanaan kara iyagane, sidaa darteed waxaan kugu la talinaynaa in aad la xiriirto takhtar si uu kuula taliyo qaabka kugu habboon.

Mideeda kale haddii aan dhahay takhaatiirka webkaan waxaa noo daggan siyaasad ah in aan daawo aanan u qori karin qof ama aanan u sheegi karin sida loo qaato illaa in uu la xiriiro takhtar mooyee.

Wixii ka soo haro oo ah warbixin, aqoon kororsi iyo wacyi galin diyaar ayaan u nahay.

Mahadsanid
SomaliDoc