Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bahjo on November 24, 2011, 11:20:41 AM

Title: Su'aal: Faraha dhexdooda?
Post by: Bahjo on November 24, 2011, 11:20:41 AM
 Salaamu calaykum....marka hore Mahad Alle ayaa iska leh, kadibne waxa mudan in loo mahad celiyo dhaqaatiirteena Soomaliyeed oo waqtigooda na siiyay si aan cilmiga caafimaadka iyo cabashadeena nooga jaahil bixiyaan..masha Allh in badan wa u mahad celinaa, Alle haka abaal mariyo dhamantooda, aamin aamin
 waa markii igu horeesay aan soo galo, hadane waxaan ka faa,iday macluumaad badan masha Allh.
 dhaqtar adigoo mahadsan walal waxa ku weydiin lahaa,
 gacmaha iyo lugaha aya ka dhidhida, markii aan kareem marsado oo kale, ama aan meel kuleel ah joogo, hada oo ah xiligii barafka imaan lahaa, waxa isku arkaa faraha gacmaha iyo lugaha dhexdooda nabro yaryar ah oo cuncun leh, maxaa sasabi karo dhaqtar. lkin bil kadib oo kale wey iska tirtirmaan anigoo waxba ku sameen.
Title: Re: Su'aal: Faraha dhexdooda?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2011, 06:30:28 PM
Faruuruc yaryar oo gaduudan oo cuncun wato oo ka soo baxo fraha dhexdooda waxay noqon karaan dhowr waxyaabood oo lagu kala sooci karo kaliya aragti, maxaayeelay isnidaamiska sidaas ayaa lagu gartaa, cuncun maqaarka ah sidaas ayuu ku imaan karaan, caabuq fangas oo faraha dhexdooda ku dhaco iyadane sidaas ayuu noqon karaa, sidaa darteed waxaa kugula talin lahaa in aad takhtar maqaar aad la xiriirtid.
Title: Re: Su'aal: Faraha dhexdooda?
Post by: Bahjo on December 06, 2011, 06:42:44 PM
 Mahadsanid dhaqtar kun jeer iyo ka badan...masha Allh. cilmigaaga Alle hakuu barakeeyo, kuna xifdiyo, aad ayaa u mahadsantahy