Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sadam Guled on September 05, 2019, 02:48:26 PM

Title: Su'aal: Murqaha jilibka oo isoo aruuro?
Post by: Sadam Guled on September 05, 2019, 02:48:26 PM
Asc dhamaan bahda pagekaan waan idinkaka mhd celinaa sida hab-samida leh aad bulshadiina u caawineesaan.

Dr sanad ka-hor ayaan imaday qurbaha waxaana ku soo aaday xili qabow waxaana dhowr-jeer isku argay in uu isku-soo aruuraayo muraqa jilibla lugta gurta ah ka hooseeyo markii aan socdo ama shaqo noqnoqod ah qabto xilikii somali aan joogay lkn waxa uu igu sii siyaaday marka aan qurbaha imaday  ciladiina waxa ay ku fitay dhamaan jirkeyka oo waxaa isku soo aruuro dhamaan seedaha, markiyada iyo murqaha dhamaan jirka waxaana ugu daran oo aan aad u dhibsaday murqaha ku deedsan laf dhabarta iyo kuwa ku yaaal caloosha korkeeda oo aay somalida u taqaan (sikis baag) waxaana si saa'id ah usii dhibsaday in ay bood-boodayaan iskuna soo aruurayaan markiyada seedaha iyo murqaha ku jira qoorta qeybta hore oo u dhaxeyso garga iyo meesha uu shafka ku dhamaado xilika aan badarka cunaayo ayee ugu daran yahiin  taas waxaa isii dheer in ay jucanayaan dhamaan isgoysyada jirkeyka marwalbo waliba wax yaabaha i cabsi kaliyo waxaa ka mid ah in ay jucado lafta sinta dhaxda waliba jucasho xad dhaaf ah ama jucashada aan  dhawaaqeeda nuuc kale yahay xiliyada aan fooraarsanayo oo aan dhulka wax ka soo qabsanayo iyo xiliyada aan fooraarka kasoo kacaayo.

Dr aad ayaan ugu walwalsanahay xlda aan ku jiro waxaan filaa in jawaabta iisoo fududey doonto mhdsnd.

FG:xilikii aan somali joogay waan aalimiiteen jiray lkn biraha maanan qaadi jirin oo waa aa necbaay  markii aan bil ama lamo bil wado oo ay murqaha ii go'aan waad iska deen jiray hadana bil kadip ayaan ku laaban jiray waxaana sidaas sameyay mudo 3 ama 4 jeer ah balse hada iska dhaaf in aan jimicsi sameeyee xitaa dhaqdhaqaaqa ayaa dhib igu ah markii aan aado suuqana anigoo dhiman rabo ka imaadaa waxaan ahay 21 jir wiil taas waxaa igaaga sii daran DR markii aan rabo in aan fariisto si toosa uma fariisan karo oo meel ayaa ku sinteecsanaa  ama waan jiifsanaa fadhiga in salka la dbigto dhabarkana la toosiyo ma sameyn karo oo waa in aan meel ku sinteecsadaa ama iska taagaa.