Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deeqa Ugaas on April 16, 2016, 05:34:37 AM

Title: Su'aal: Walasheey ayaa dhikar ku dhacay 6 bil ka hor?
Post by: Deeqa Ugaas on April 16, 2016, 05:34:37 AM
Asc ad baan idinkugu mahad celinayaa  allaha idin barakeyee waxan dhaqtarka weydinaa walasheey ayaa dhikar ku dhacay 6 bil ah ayuu hayaa waxay kedahay 4 caruur ah oy dhashay mudo 10 sano waxba ma dhalin waxay kedahay qal qal dhiga ah sanadkeda waa 41 jir wana la qabaa gor keda waxaa kasoo baxa dhibco dhiig gaduudan ah oo ayada dhan kaso baxaya qeeyba hose haba ugu daratee cajirada lugaha hose qeybta ah ineey sidi fin isku kusaan ayey bilabeen wana cun cunayaan  maxaa sababa dhig bax jogta ahna way ledahay iyo hurda la aan xanaaq badan insha allaah jwb wacan wsc shugran
Title: Re: Su'aal: Walasheey ayaa dhikar ku dhacay 6 bil ka hor?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 10:06:15 PM
Cabashada walaashaa way kala duwan tahay, dhowr cilladne way noqon kartaa, waxaa habboon in aad la xiriirisid dhakhtar si loo baaro caafimaadkeeda.
Qalqalka dhiiga markii da'daas haweenku gaaraan way dhacdaa maadaama xilligii dhalmodayskauu soo dhawaaday.
Maadaama baro gadgaduuan iyo dhiigbax aad sheegtay iyadane waa suuragal in cillad xinjiroobis dhiiga inay jirto, laakiin baaris bay u baahan tahay.