Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on December 25, 2018, 03:53:46 PM

Title: Inay dadka ila yaabaan ayaan ka cabsadaa..!!!
Post by: SomaliDoc on December 25, 2018, 03:53:46 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhiirrasho.png)

Bismillah,

Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay cilmu-nafsiga anagoo ka jawaabayno su'aal nooga timid qof asxaabta ka mid ah oo yiri "waxaa welwel igu haysa in asxaabtu ila yaabaan ama igu sheekeystaan haddaan qaato go'aanno aan isleeyahay dan ayaa kuugu jirta ama noloshaada isbadal ku samee?"

Cilladaan ma ahan mid u gaar ah qofkaan su'aasha na soo waydiiyay laakiin waa mid dhalinyarada ku badan, caqabadne ku ah inay hormar gaaraan ama ka haraan asxaabtooda xunxun.

Inuu mararka qaar qofka ka welwelo falceliska bulshada markuu wax sameeynayo waa arrin dabiici ah, taasoo qofka mar walba ku haynayso tubta toosan, kana fogeyneyso inuu la yimaado waxyaabo dhaqanka khilaafsan, qofkane ka dhigayso inuu dareenkiisa u hufnaado waxa dadka kale ay ku fakarayaan, laakiin in welwelkaasi isku badalo cabsi kaa hor istaagto inaad wax qabsatid waa khalad iyo cillad u baahan in la saxo.

Maxaa lagu fahmi karaa in cilladaan ku hayso?

Haddii aad astaamaha kore isku aragtay waxaad u baahan tahay in talooyinkaan hoose ku dhaqantid si welwlekaan xad dhaafka iyo cabsida kaaga yaraato:

Talada SomaliDoc
Ugu dambayn waxaan filayaa haddii aad talooyinkaan qaadatid inay niyadda kuu dagi doonto, isbadal fiicanne aad noloshaada u horseedi doontid, dhaqamo xunxun oo saaxiibadaa si dadban uga dhaxli lahaydne inaad ka badbaadi doontid, marka go'aan qaado isla maanta, saaxiibka xun ka fogow, saaxiibka fiicanne u wareeg.
Caafimaad ayaan idiin rajaynayaa, wixii su'aalo dheeraad ahne fadlan ku soo gudbi qeybta su'aalaha ama iga la soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)