Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dhamme.Dhiza on November 22, 2018, 03:21:07 PM

Title: Su'aal: Sidee Lagu ogaadaa Gabdhaha miskaha yar?
Post by: Dhamme.Dhiza on November 22, 2018, 03:21:07 PM
Marka Hore dhamaan waad slaamantihin
Waxaanad ku mahdsan tihiin hawshaad u haysaan bulshada ee aad u hagarli'i ugu Shaqynysaan
Marka xigTa Waxan Qabaa su?aal
Ma La Ia Ogaan Karaa Gabdhaha miskaha yar yar amaba ma jirtaa astaaamo lagu garan karo ......jawp Zugan
Title: Re: Su'aal: Sidee Lagu ogaadaa Gabdhaha miskaha yar?
Post by: SomaliDoc on March 31, 2019, 12:02:32 PM
Sababta ugu muhiimsan ee loo ogaanayo in gabadhu leedahay misko yar iyo in kale waa inay si dabiici ah u foolan karto, una dhali karto, taasina badanaa lama ogaan karo illaa foosha la gaaro ama bilaha ugu dambayso la galo mooyee, markaas raajo ayaa la saaraa hooayda uurka leh, waxaana la isku fiiriyaa in madaxa cunuga iyo kafka hooyada ay isla egyihiin oo cunuga soo mari karo, baaritaankaan badanaa looma sameeyo hooyo kasta oo qofkii laga shakkiyo ama qoyskiisa dhaxal ahaan miskahooda yar yahay ayaa lagu sameeyaa..

Haddii madaxa cunuga iyo miskaha hooyada isla ekaan waayaan, cilladaasi waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Cephalo-Pelvic Disproportion", taasoo macnaheedu yahay madaxa iyo miska oo aan isla ekayn.

Gabadha inta aysan uur yeelan, lama go'aamin karo inay qalliin ku dhali doonto ama foosha dhibi doonto iyo in kale, sababtoo miskaha xilliga foosha way kala baxaan, waxay kaloo ku xiran tahay cabirka madaxa cunuga sidaa darteed hooyo walba oo miskaheedu yar yahay inay qalliin u baahan tahay ma ahan, halkaan ka akrhiso qoraal ku saabsan qaabka go'aanka qalliinka lagu gaaro markay arrintaan dhacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0)
Title: Re: Su'aal: Sidee Lagu ogaadaa Gabdhaha miskaha yar?
Post by: Halyey9 on April 06, 2019, 01:26:51 AM
Marka Hore dhamaan waad slaamantihin
Waxaanad ku mahdsan tihiin hawshaad u haysaan bulshada ee aad u hagarli'i ugu Shaqynysaan
Marka xigTa Waxan Qabaa su?aal
Miisankeygu haduu ka yaryahay 60 waana 57-58 dhiig ma ku deeqi karaa