Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on October 29, 2012, 01:17:24 PM

Title: Su'aal ku saabsan baralaska?
Post by: Gantaal on October 29, 2012, 01:17:24 PM
Marka hore cuudmubarak marka labaad waxaan salaamayaa dhakhaatiirta iyo ita kale ee isticmaasha webkan barakaysan hadii aan u gudbo su aashayda.      Waxaa dhaawacmay mudo 8 bilood laga joogo waxay xabad iiga dhacday garabka midig waxayna fadhiisatay garabka bidix dhakhaatiirtu ku magaceebeen { T 7eriya } markii raajo la saarayna waxay dheheen lafta dheer wax ma gaarin {spinle cord}waxaana noqday baralas illaahi mahadii hada lugaha taabashad wax baan kadareemaa aan badnayn waxaana ku noo lahay south africa marka walaal yaal waxaan idiinka baah nahay wixii talo ah hadii ayjirto wax lagu daweeyo waad mahd san tihiin
Title: Re: su,aal ku saabsan baralaska
Post by: CilmiSabca on November 03, 2012, 08:51:18 PM
Gantaal, walaal, waxay ila tahay in xanuunka ku haya uu san aheyn Baras ama *Vitiligo*.
Qofka Baraska qaba, haddii uu socdo masaafo dheer laga ma yaabo in uu dareemo xanuun xagga lugaha ah, xitaa haddii ay caguhu bararaan oo ay biyo fadhiistaan iyo wax lagu mud mudo meelaha uu Barasku ku dhacay ee jidhka qofka.
Sidaas darteed, maadaama aad wax dareemeysid, waxay u badan tahay in aadan qabin xanuunka Baraska.
# Waxa dhici karta in is badalka jirkaaga ay u sabab tahay Xabadda ku jirta (waa haddii ay jirkaaga ku jirto), marka, waxay Xabadda jirka ku jirtaa sababi kartaa in uu jidhku ka qaado Xasaasiyad ama Allerji, oo markii in muddo la jooga-ba soo laba kacleynaya.
Waxaad yeeshaa:
1) haddii ay xabaddii kugu jirto, la tasho Dhakhtar si lagaaga soo saaro, haddii ay suurta gal tahay.
2) la xidhiidh Dhakhtar ku taqasusay cudurrada Maqaarka; si uu u caddeeyo nooca laga yaabo in uu yahay kan aad isku aragtay, ogow baadhista waxaa ka horeysa in aad ogaatid sababta iyo sida ay u kala dambeysay.
3) ha isticmaalin daawooyinka jirka nooc kasta ilaa uu Dhakhtar kuu fasaxo maahee.
4) AAMIN SANAANTA, haddii aad aamin san tahay in xanuunku uu Baras yahay laakiin uu san aheyn, waxay keeneysaa in wax ka qabashadu raagto.
Isku day in aad baadhis iyo ka fikirid sameysid.
Ogow Xabaddaha qaar waxay keenaan in meesha ay ku dhaceen maahee ay meelo kale nabaro ka soo saaraan sida Xabaddaha qoryaha Mareykanka ee Ser80ka Iwm.
Ugu dambeyn, ogow cuddurka Baraska ma ahan sida loo qabo.
Mahad sanid.
Title: Re: su,aal ku saabsan baralaska
Post by: Gantaal on November 03, 2012, 11:09:33 PM
Cilmi walal waad mahad santahay hadii saxo su,aashayda waa baralas Curyaamid e ma aha baras.     Xabaduna way igu jirtaa waana bastoolad ee ma aha qoryaha kale wiixii talo ah waan danayn hayaa waadna mahad santihiin
Title: Re: su,aal ku saabsan baralaska
Post by: CilmiSabca on November 09, 2012, 06:49:09 PM
Gantaal, adaa mudan. Si khaldan ayaan jawaabta u bixiyey. Waxaan rajeynayaa Somalidoc in uu jawaabta saxda ah uu ka jawaabi doono Insha Allaah.
Title: Re: Su'aal ku saabsan baralaska?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 02:29:15 PM
Curyaamidda ama Naafoobidda "Paralysis", waa dhibaato ka timaado jug ama dhaawac gaaro neerfaha kontoroola qeyb ka mid ah murqaha jirka sida dhaawaca gaaray xangullaha oo kale.

Unugyada neerfaha waxay uga duwan yihiin unugyada jirka kale, xagga kabsashada ama bogsoonaanshaha, hadduu dhaawac gaaro neerfo aad ayay u adagtahay inuu ka kabsado ama neerfaha ay dib u soo koraan sida jirka intiisa kalaba ay u raysato, sidaa darteed dadka curyaamo in ay ka raystaan waxay ku xiran tahay dhaawca gaaray heerka uu gaarsiisan yahay inta neerfo uu dhaawaca gaaray.

Dadka qaar sanooyin ayay ku qaadataa in ay isbadal dareemaan khaas ahaan xagga dareenka, kulaylka, xanuunka IWM.

Midda kale daawo neerfaha bogsiiso ama korriinkooda si toos ah uga qeyb qaadato oo qofka curyaaminta ka baabi'iso ma jirto, waxaa qofka lagula taliyaa kaliya in uu cunno nafaqo leh cuno, jimicsi loo sameeyo murqaha qeybta aanan shaqayneynin si aysan u dhiman oo u baa'bin, hadduu dhaawaca cusub yahay waxaa la siiyaa daawooyin la yiraahdo way caawin karaa bogsashada ama ka raysashada dhaawaca.

Ugu dambayn, waxaa caafimaad hayo eebee, bini'aadanka intuu yaqaanno way iska yartahay, eebe weydiiso in uu ku caafiyo, xanuunkane kaa qaado isagaa wax kasta awoodo.
Title: Re: Su'aal ku saabsan baralaska?
Post by: Gantaal on November 10, 2012, 06:24:40 PM
Waad mahad santihiin.             Somalidocter illaahi hadinka ajar siiyo