Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed184 on January 11, 2016, 05:58:07 PM

Title: Su'aal: Maqaarka wuu i bararaa markaan xoqo?
Post by: Axmed184 on January 11, 2016, 05:58:07 PM
Maxaa krena in maqaarku uu i bararo gaar ahaan marka aan xoqo oo aan cididada taabsiiyo ayuu aad u bararaa taasoo keenta in dhamaan meshii aan taabtaaba ay aad u bararto tasoo keenta in ay i xanuunaan meelihii aan xoqay marmarna anoon xoqin ayay i bararaan fadlan suaashaasaan rabaa in layga jawaabo .
Waad mahdsantihin
Title: Re: Su'aal: Maqaarka wuu i barara markaan xoqo?
Post by: SomaliDoc on January 18, 2016, 11:11:17 AM
(http://somalidoc.com/Topics/bararmaqaar.png)

Maqaarka oo bararo oo xariiqmo yeesho markii aad xoqdid ama wax ku xagtaan waa nooc ka mid ah xasaasiayda iyo allarjiga, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "dermatographia"

Waa cillad aanan dhakhaatiirtu wax badan ka aqoonin, laakiin badanaa ma ahan wax halis ah oo qofka noloshiisa wax u geysan karo, badanaana qofka daawo uma raadsado oo wuu iskala qabsadaa oo wuxuu iska ilaaliyaa xagtinta, tumida iyo inuu is xoqo.

Calaamadaha la dareemo:
Qofka marka ugu horeyso wuxuu dareemaa maqaarka meesha la xoqay in ay gaduud noqoto, xariijinta ka soo muuqato, cuncun ama gubasho ayaa la dareemaa, dhowr daqiiqado ilaa saacado ka dib bararka wuu dagaa oo qofka caadi ayuu ku soo noqdaa, dadka qaar way ku daahdaa oo maalmo ayay ka sii muuqdaan bararka.

Maxaa keeno xanuunkaan?
Sida aan kor ku soo sheegayba, fikrad buuxda lagama hayo qaabka xanuunkaan u yimaado, laakiin waxaa la ogyahay kaliya inuu ka mid yahay xanuunada alarjiga, dadkane ugu nugul yihiin sida ay xasaasiyad loogu kala duwan yahay.
Marmarka qaar waxaa dhacda in qofka uu bararo isagoo aanan is xoqin, tusaale hadduu go'a ku koglan sariirta uu ku jiifo hadduu jirka ku xoqo xitaa bararka wuu imaan karaa, sidaas daraadeed qofka isagoo fahmin waxa gaaray ayuu barari karaa.
Waxyaabaha kale ee keena bararka waxaa ka mid ah qabowga, kuleelka, cadaadis hadaa saartid jirkaaga iyo kacsanaanta niyadaba.
Soomaalida qaar ayaa aaminsan in ay il dhahaan marka qofka uu bararkaan isku arko isagoo aanan wax la xasuusto aysan gaarin.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Uma baahna xanuunkaan si loo garto baaritaano dhiig ama sawir, wuxuu u baahan yahay kaliya in qofka lagu tijaabiyo xoqin si loo arko xariijimaha ka soo muuqanayo korkiisa, waa laga yaabaa baaritaanada kale ee xasaasiyada ama larjiga in lagaa baaro.

Sidee loo daaweeyaa?
Daaweyntu waa ku meel gaar, qofkane badanaa uma baahdo illaa in uu ka welwelo ama ka shaqaysan waayo mooyee, markaas waxaa qofka la siiyaa daawooyinka alarjiga, wuxuuna dareemaa qofka fiicnaan in muddo ah.
Hadduu qofka dareemo bararkaas wuxuu ku qubaysan karaa biyo qabow, waana in aad iska ilaalisaa in aad is xoqdaa ma shukumaan qallalan ku tirtiritaa, macallimiinta iskuulka ama dugsiga waa in la la socodsiiyaa xanuunka ardayga si looga daayo garaaca.

Fadlan akhriso qoraal ku saabsan xasaasiayda halista ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0)

Haddii aad su'aalo caafimaadka ku saabsan aad qabtid fadlan iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)