Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 11, 2015, 03:49:05 PM

Title: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee aan saxaroonin?
Post by: CilmiSabca on September 11, 2015, 03:49:05 PM
ASC DR. Haweenka uurka leh (lix bilood ka dib) haddii aysan saxaroon muddo todobaad ah, ama ay saxaradu ku adkaato, daawooyinka sida feeradana ay qaadan weyso lalabo darteed, xaaladdaani maxay tahay Dr? Daawooyinka caloosha socodsiiya ma la siin karaa?
Mahadsanid.
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee aan saxaroonin?
Post by: SomaliDoc on September 13, 2015, 12:49:05 PM
Calool fadhiga wuxuu ka mid yaha dhibaatooyinka laga fisho haweenka uurka leh, calool fadhiga wuxuu ka yimaadaa hormoon hooyada uurka leh ku bato oo ilaahay ugu talagalay inuu dabciyo murqaha minka maadaama ilmuhu ay korayaan, wuxuu kaloo yareeyaa socodka iyo dhaqdhaqaaqa mindhicirrada, sidaasne waxaa ku dhasho calool adeegga.
Way jiraan daawooyin caloosha jilciyo oo aan uurka saamayn ku lahayn waxaa ka mid ah sharoobada la dhaho "lactulose syrup", haddii sharoobadu wax tarin waa in "enema" loo sameeyo ama daawo saxarada jilciso oo sumboosto ahaan loo isticmaalo.
Wixii talo kale oo dabiici ah iyo waxyaabaha kale ee laga filan karo uurka ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html)