Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Admin on June 24, 2011, 01:08:02 AM

Title: Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!
Post by: Admin on June 24, 2011, 01:08:02 AM
(http://www.allwariye.com/admin/getPid.php?pid=1748)
Dr Ahmed Ali (Research Director – Compton Group)
Xabagtu waa dheecaan laga helo geedaha, waxay soomaalidu u isticmaashaa waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in ay ku daaweeyaan cudurka riixa iyo lafa-xanuunka, cilmic baarayaal uu ku jiro takhtar soomaaliyeed oo lagu magacaabo dr.ahmed oo ka tirsan jaamcadda Cardiff ayaa waxay baareen faaidada ku jirta xabagta iyo sababta ay soomaalidu riixa iyo infakshanka lafaha ay oga bogsoodaan markii ay isticmaalaan.
(http://1.bp.blogspot.com/_Jx78YcF-F8U/S-QFhx5biXI/AAAAAAAABzM/u3E8tMsvr54/s1600/frankin.jpg)
Baaritaankii ayaa lagu helay in xabagtu ay ku jirto maaddo la dagaallanto walxaha huriya cudurka riixa iyo lafa-xanuunkaa taaso noqotay cilmi cusub oo faaido weyn u leh dadka qaba cudurradaas iyadoo maadadaas laga samayn karo daawo loo isticmaalo daaweynta riixa iyo caabuqa lafaha oo hadaba aan daawo loo heynin.

Cilmigaas ayaa waxaa laga faaideystay dadka soomaalida ku nool dalalka yurub oo isticmaala xabagta
Title: Re: Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!
Post by: Dr.Adnan on June 24, 2011, 02:26:05 AM
Good news, Our Traditional medicine is contributing finally.