Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Abdo on October 25, 2009, 10:44:14 PM

Title: Su'aal: Dhididka Gacmaha iyo Lugaha?
Post by: Mohamed Abdo on October 25, 2009, 10:44:14 PM
Walaalayaal waan idin salamaay, Waxaan jeclaan lahaa in aan idin weydiiyo maxaa keena in qofka uu mar walbo ka dhidido gacmaha iyo lugaha, mase leeyahay daawo.

Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on November 06, 2009, 01:59:09 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhidid.png)

Dhididka badan ee qofka uu ku arko gacmihiisa ama lugahiisa waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hyperhidrosis" oo macnaheedu yahay cillada dhididka xad dhaafka ah.

Qofka markuu kululaado ama uu jimicsi sameeyo inuu dhidido waa arrin caadi ah oo eebbe ugu talagaly in jirka lagu qaboojiyo si loo yareeyo heerkulka.

Waxaa kaloo dabiici ah hadduu qofka xanaaqo ama naxo ama welwelo inuu dhidid ka yimaado.

Laakiin cillada ku kooban sacabada iyo calaacalaha oo aad looga dhidido iyadoo aysan jirin wax kiciyo sida aan kor ku soo xusay waa cillad qanjirrada dhididka oo si xad dhaaf ah u shaqeeyo.

Qofka qabo cilladaan, waxaa kacsan qanjirrada dhididka u qaabilsan ee ku yaallo jirka ama meelo gooni ah sida sacabada iyo calaacalaha, qofka uu dhididka badan ka sii welwelo ama dhibsado waxay sii kordhinaysaa dhididka horay u badnaa.

Hadduu iyadoo cillada dhididka badan jirto, qofka uu sii welwelo ama naxo wuu ka sii daraa dhididka sida markii aad imtixaan ka shaqaynayso oo kale.

haddii calaacalaha aad ka dhidido waxaa loo yaqaanaa "Palmar Hyperhidrosis" kan cagahana "Plantar Hyperhisrosis".

Dhididka badan oo noocaan ahi, wuxuu noqon karaa mid dahxal ah oo aan la xiriirin xanuun kale.

Laakiin waxaa dhacdo xaalado caafimaad darro oo dhididka siyaadiyo waxaana ka mid ah cudurradaan soo socda:
1- Kacsanaanta dheecaanka korriinka jikra "Growth hormone"
2- Cilladaha niyad jabka iyo welwelka ee maskaxda ku dhaca.
3- Kansarka (ka akhriso halkaan (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1073.0.html))
4- Daawooyinka qaar oo si qaldan loo isticmaalo
5- Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka (Ka akhriso halkaan (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html))
6- Tiibishada sambabka ku dhacdo "Qaaxada" (Ka akhriso halkaan (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html))
7- Xanuunka Buruseelka (Ka akhriso halkaan (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2233.0.html))
8- Dhaawac xangullaha lafdhabarta
9- Faalijka nooc ka mid ah (Ka akhriso halkaan (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html))
10- Xanuunka xasuusta lumiya ee Parkinson (Ka akhriso halkaan (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2393.0.html))
11- Xilliga dhalmodeyska ama caadada istaagto.
12- Cillada sonkorta dhacdo (Ka akhriso halkaan (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html))

Haddii qofku iskala noolaan karo wax dhib ah kuma yeelaneyso laakiin haddii ay saameyn ku yeelato nolol maalmeedkiisa waa inuu la xiriiraa takhtar si xal loogu helo.

Dadka ugu badan ee dhibaato ku qabo ayaa waxaa ugu horreeyo ardayda weliba xilliyada imtixaannada maadaama ay niyad kacsaniyihiin dhididkane uu saaid yahay taasoo keenta in ay warqadaha iska qooyaan imtixaankane ka shaqayntiisa dhib ku noqdo.

Hababka kontoroolidda dhidhidka xad dhaafka ah waxaa lagu yarayn karaa kareemyada leh deodorants-kaoo ay ku jirto maado loo yaqaanno "antiperspirants" oo dhididka yarayso.

Waxaa kaloo lagu joojiyaa iyadoo koronta lagu qabto qanjirrada dhididka siyaadada ah u soo daayo ama cirbad lagu duro ama qalliin lagu sameeyo neerfaha kontoroolo qanjirrada dhididka.

Daaweyntaan waxay ku xiran tahay qofka xaaladiisa heerka ay gaarsiisan tahay iyo meesha dhididkiisu u badan yahay.

haddii cilladaadu aysan gaarsiisneyn heer daawo ama qalliin waxaa jiro tillaabooyin aad guriga ku samayn karto si aad dhididka iskaga yarayso:
1- Baradho inta aad xaliif ahaan u jarjartid, gacmaha ama meelaha aad uga dhidido ku xoqo.
2- Cusbo iyo liin dhanaan la isku daray marso meelaha aad uga dhidido waxay yareeyaan shaqada qanjirka dhididka.

Wixii macluumaat intaa dheer kala xiriir takhtarkaaga, haddii aad qabtid su'aalo kale ama aad faahfaahin u baahan tahay waad na soo weydiin kartaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: Dr baddal on March 24, 2011, 09:50:02 PM
salaamullaahi caleeykum.
 
waad mahadsantihiin somali doctors, haddii su'aasha su'aal sii daba dhiga , dr ma jiraan wax diiqa ah ama stress ah oo i haayo, welwelna sidoo kale, waxaan ahay arday wax barta waxabarashadiisan ku fiica, dhididka gacmaha iyo lugaha anigoo yar ayaan isku arki jiray, oo intaan caqli yeeshay sidaan ayaan isku arkay, maxaa xal ah ayadoo aan la isticmaalin qalliin, ma jiraan daawooyin la isticmaalo sida kaniinyo ama boomaato iyo waxii lamid ama solutions-gacmaha la galiye sida aan meelaha qaar ku arkay, waxaan idiinka rajeeynaya ajawaab waafi ah .
shukran.
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2011, 09:46:27 PM
Way jiraan daawooyin lagu daaweeyo sacabo-dhididka xad dhaafka sida aan ku xusay jawaabta hore.
Daawooyinka waxaa loo yaqaannaa "Antiperspirants" waxay yareeyaan dhididka badan.

Takhtar la xariir si daawo laguugu qoro.
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: Dr baddal on March 30, 2011, 08:36:36 AM
aad baad u mahadsantahay digtoore, dhaqtarka keebaan u tagaa, micnaha deprtment-kee ayaan tagayaaa??
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2011, 12:47:58 PM
Waxaad u tagi kartaa takhtar cudurrada guud "Physician" ama takhtar maqaarka ah "Dermatologist".
Title: SU'AAL:
Post by: Abdiftahali on June 28, 2015, 11:02:31 AM
Dr inbadan waan iskudayay inaan dhididka si dabiici ah isaga joojiyo lkn wax ii hagaagay malahan hada waxan raba inaan daawooyinka  aad ii sheegtay inaan qaato sida daawda dhididka yareeso hadii ay waxtar yeelanwaysana inaan qaliinka galo waxaana rabaa meel aan ugu hagaago dhaqtarka mahadsanid wll
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on June 28, 2015, 11:35:13 AM
Waxaad la xiriir kartaa dhakhtar guud marka hore, wuu awoodaa inuu kuu qoro daawooyinkaas, waxaa kaloo la xiriiri kartaa takhtar cudurrada maqaarka, waxaa kaloo la xiriir kartaa dhakhtar ku taqassusay cudurrada neerfaha "neurologist".
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: Shire on October 21, 2015, 12:55:04 PM
ad iyo ad ayad umahasantihin markii hore ma anan arag lkn dawoyinkaas ad kor kuso xustay horay ayan u isticmalay waa dawoyin la isku bufinaayo hadana qaldanan wax isbadal oo haba yara tee  igu kornayna ma lahan marka waxan raba in an kuwaydiyo doctor ado mahasan qanjirka dhididka sodaayo xagebu kuyal sesa lobara
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on October 24, 2015, 04:34:22 PM
Daawooyinka ma ahan kuwo la isku buufiyo, mida kale jirkeena meel kasta oo dhidid ka soo baxa qanjir ayaa ku hoos yaalo waa malaayiin qanjir ah ee ma ahan wax hal meel ku yaalla.
Fadlan la xiriir dhakhtar ku takhsusay cudurada guud ama dhakhtarka ku takhasusay qanjirada iyo dheecaannada ay soo daayaan oo loo yaqaano "endocrinologist".
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: Shire on October 25, 2015, 10:13:54 AM
adbaad umahasantahay doctor taaas wan kajahilbaxay lkn dhowr hospital an tagay wan u sheegay dhidid saaid ah in an qabo waxay igu dhehen dhididkaas badan waxa keni karo cudurka sonkorta ee iska sobaaar hadan iska barayna maqabtid aya laidhahay so doctor mala orankaraa cudurkaas  sonkorta way keni kartaa gacmo kadhidid iyo lugo kadhidid ajar iyo xasanaad allaha inkasiyo sida wanaagsan oo ad nocawinaysaan
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on October 30, 2015, 02:26:24 PM
Sonkorta haddii ay dhacdo way keentaa dhidid badan laakiin cudurka sonkorowga oo ah sonkortoo kacsan ma lahana dhidid badan.
Halkaan ka akhriso qoral ku saabsan sonkorta dhacayso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html)
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: Shire on November 20, 2015, 07:53:17 PM
Asc somali doctor adinko mahasan waxan wali suaal kaqaba gacno dhididka iyo caga dhididka sibitalo badan aya tagay waxay igu dhehen dawo dhididka jojiso majirto dawada antiperspirants waa  wadawo logu talagalay in kilkilaha lamarsado  oo ay wasaqda kaxeliso ee dhidid gacno iyo lugo ah waxba kama tarayso intaas kadib nin farmashiyo  gadayay aya wuxu isiyay 20% afuminium hex a chloride in absolute alcohol  marka maxa ladhihi kara dawadaas mise taqanaa doctor?
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 01:24:52 PM
Antiperspirants ama Deoadorants waa sida aad tilmaantay oo waa waxyaabo la marsado oo dhididka yareeyo, carafne leh, waxaa aad loogu isticmaalaa dadka kilkilaha aad uga dhidida, waana wax aad si toos ah u gadan kartid, laakiin way jiraan daawooyin kale ee ay qasab tahay in aad dhakhtar la xiriirto si laguugu qoro, saxne ma ahan in aan halkaan ku qorno.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: Shire on December 05, 2015, 02:05:30 PM
adbad umahasantihin hadi an iska marsado dawadaas malaga yaba in ay dhididka badan iga yarayso sida an hadaba arko oo ad modid sidi badnad oo dhididku u imanayay in ay yaratay cml mida kale melaha dhididku ka imanayo miyaa lamarsanaa mise mel gaar ah oo waxa jirto lamariyo oo qanjirka dhidka sodaayo uu kujiro sida awalba ad usheegteen thanks alot once again!
Title: Re: Su'aal: Gacmo iyo Lugo Dhididka?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2015, 08:01:04 PM
Meel kastaoo oo dhidid laga soo daayo qanjir dhididka u qaabilsan ayaa jira, waxaad marsanaysaa uun meelaha kuu daran.
Title: Re: Su'aal: Dhididka Gacmaha iyo Lugaha?
Post by: Shire on January 02, 2016, 01:01:17 PM
mahasanidin somali doctors mar labad iyo mar sadexaadba waaxan raba in an ini waydiyo dhididka  lugaha iyo gacnaha waxyalo ama cuduro uu sababi karo aya  jiro ayad dhahden sida ad kor kusoxusteen waxa kamid ah cudurka xususta ama halmamida  keeno marka waxan raba in an ini waydiyo waxan isku arkay ilowshe badan oo anan awal qabijirin ee wax daawo ah maleyahaynah plz adinko mahaasan
Title: Re: Su'aal: Dhididka Gacmaha iyo Lugaha?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2016, 04:29:31 PM
Meel kasta oo dhidid jirkaaga uu ka soo daayo waxaa ku jiro boqolaal illaa kumanaan qanjirro dhidid, sidaas awgeed marso meelaha uu dhididkaaga u badan yahay.