Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cawil Baashe on December 02, 2010, 05:54:10 PM

Title: Su'aal: Ilig xidid-ka ama rout-ka laga dilay!!!
Post by: Cawil Baashe on December 02, 2010, 05:54:10 PM
waan idin salaamay bahda Somalidoc.

salaan kadib: -

Ilig baa i xanuunay, kadib Takhtar baan u tagay waxa uu igu iri xididka ama Rout-ka iligga ayaan dilayaa, xanuun daran baa i hayey okey baan iri shaqadiina wuu fuliyey Takhtar-kii.

Hadaba, waxaan dareemayaa in iligii marka aan taabto uu leeyahay dareen sida ilkaha kale, marka iligga rout-ka laga dilo ma yeelan karaan dareen sida ilkaha kale? muxuuse keeni karaa oo dhib ah rout-ka la dilay? ma iliga Color-kiisa ayaa is badalaya mase wax is badal ah ma keeneyso arintaasi? maxaadse igula talin lahayd oo aan ku xanaaneeyaa iligaas si gaar ah?

mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Ilig xidid-ka ama rout-ka laga dilay!!!
Post by: SomaliDoc on December 10, 2010, 08:05:26 PM
Waa dareemi kartaa iligtaada markii xididka laga dilo iligga laba sabab dartood
1- In aan la wada dilin xididka
2- Dareenka waa laga yaabaa inuu jiro maalmaha ugu horreyso inta ay ka raysanayso iligta.

Iligta maadaama laga dilay neerfaha ama laga saaray tooth pulp-ga waxay noqotaa qafiif sida darteed takhtarka wuxuu ku cubaa wax artificial ah kaas ayaa dhici kara in iligta uu midabkeeda badalo.

Iligga markii rootka laga badalo wuxuu u baahanyahay xanaano dheer ah oo wuxuu u nugulyahay inuu jabo maadaama uu khafiif noqday.
Hadii xanuunkii kugu soo laabto la xiriir takhtarka sida ugu dhakhsiyaha badan mar kale ayaa xididka la dili karaa.