Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed Caydaruus on March 09, 2017, 07:39:14 PM

Title: Su'aal: Sickle cell disease?
Post by: Axmed Caydaruus on March 09, 2017, 07:39:14 PM
Asc dr daawada sickle cell anemia successful in ay noqotay ayaan maqlay ee uu helay nin faransiis ah ee dr bal wax inooga sheeg muxuu daawo ahaan u isticmaalay ee uu cudurkaas ku daabeeyey sida uu u daaweeyey bukaanada nigeria mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Sickle cell disease?
Post by: SomaliDoc on June 11, 2017, 12:09:45 PM
Wuxuu isticmaalay qaab cusub oo loo yaqaano "DNA Engineering", taasoo ah in cudurrada ka dhasho cilladaha ka yimid DNA-da markay qeybsamayso in dib loo saxo.

Dhakhtarkaan markii ugu horaysay cunug  qaba xanuunkaan ayuu dhuuxa laftiisa ku beeray fayras la xaniinyo siibay oo aan cudur keenayn, hadane la programmiyay si uu uga hortago qaladka DNA-da unuygada cascas ee samaysmayo, taasi waxaa la arkay inay soo baxeen unugyo cascas oo aan cillad lahayn, cunugiina isbadal baa laga dareemay oo wuxuu ka maarmay dhiig-shubistii joogtada ahayd.

Daaweynta nuucaan badanaa horay ayaa loogu fashilmay markii lagu tijaabiyay cudurro kale, marka aad baa looga fiirsadaa inta aan loo aqoonsan daawo lagu adeegsan karo dadka oo idil, marka waxaa arrintaan ku socoto cilmibraaisyo dheeraad ah waxaana laga wadaa wadamo badan uu cudurka ku badan yahay.

Waan arki doonnaa wixii ka soo baxo, sababtoo ah waxaa dhici karta in cilladaan xal u noqdo laakiin cillad la mid ah ama ka daran oo hor leh in la arko.

Halkaan ka akhriso qoraal aan kaga hadalnay xanuunka Sickle Cell iyo Thalasemia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3004.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3004.0)