Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on October 01, 2016, 02:57:01 AM

Title: Su'aal: Waa maxay lactic bacteria LGG?
Post by: Abdi21 on October 01, 2016, 02:57:01 AM
Waa maxay lactic bacteria LGG
Title: Re: Su'aal: Waa maxay lactic bacteria LGG?
Post by: SomaliDoc on October 20, 2016, 09:37:21 PM
(http://somalidoc.com/Topics/bakteeriyada.jpg)

Jirka bini'aadanka waxaa ku nool jeermisyo u leh waxtar oo aan cudur u keenin, howshoodu waa in jirka ka difaacdo jeermisyada kale ee halista ku ah.

Lactobacillus GG waa bakteeriyo ka mid ah jeermisyadaas, jirkane u leh faa'idooyin badan, waxay ka hortag iyo daawo u tahay caabuqa ku dhaca cawrada dumarka ee loo yaqaano "Bacterial Vaginosis", sida dabiiciga ah bakteeriyadaan waa laga helaa xubnaha taranka haweenka, halkaas oo ay difaac kaga jirto, waxayna ka ilaalisaa bakteeriyada kale oo halista ku ah caafimaadka, haddii daawooyin badan qofka uu qaato oo aan loo baahnayn waxay baab'iyaan bakteeriyadaan saaxiibka ah, sidaas ayuuna qofka ugu nuglaadaa cudurro kale oo horay uga bad qabay.

Inkastoo bini'aadanka badankiis ay faa'ido u leedahay, laakiin dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo khaasatan caruurta yaryar, sida kuawa u dhasha hooyoyinka qabo cudurka AIDS-ka, wax faa'ido ah uma lahan.

Bakteeriyadaan waxaa kaloo noo khamiirisaa cunnooyinka qaar sida caanaha oo kale, waana sababta loo yiraahdo dadka dheefshiidka xun ama caloosha ka jiran waxaa la siiyaa caano fadhi ah "Yoghurt".

Cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay bakteeriyadaan waxaa la ogaaday inay faa'ido u leedahay cillado badan oo ay ka mid yihiin kuwaan hoose:

Waxay kaloo bakteeriyadaan loo isticmaalaa saare u qaadista rabitaanka cuntada, waxaa kaloo la arkay inay hoos u dhigto dheecaanada lala xiriiriyo welwelka iyo walbahaarka.

Bakteeriyadaan waa midda loogu baaritaanka badan yahay, waxaa laga diyaariyay boqolaal cilmibaaris maadaama la arkay inay waxtar aad u badan u leedahay jirka bini'aadanka, kana hortagto cudurro badan oo qaarkood weli cilmibaaris ku socoto.

Waxaa muhiim ah in bakteeriyadaan laga ilaaliyo in lagu ciribtiro daawooyinka qallajiyayaasha ee aan loo meel dayin oo aad bulshadu u isticmaasho.

Waa naxariista ilaahay in bakteeriyo ay difaac kaaga noqoto bakteeriyo kaliya, taasina waxay daliil u tahay isu-dheelli tirka howlaha jirka bini'aadanka, waxayna tusaale u tahay in jirka laga ilaaliyo wax kasta oo khalkhal u keeni karo shaqadiisa dabiiciga ah.

Wixii faahfaahin ama su'aalo ah ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)