Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qaalib on May 03, 2017, 04:00:08 PM

Title: Su'aal: kasoobax/ baxdin kasoo baxday kilkisha?
Post by: Qaalib on May 03, 2017, 04:00:08 PM
asc allah ayaa mahad iska leh marka koobaad marka labaad howl wadeenada iyo dhakhaatiirta sharafta leh ee nooga faaideya aqontooda sual wax kusan ayaa iga so baxay  kilkisha baxdin ayaan moodaayay laakiin wuxuu dilaaci waayay ilaa 20 cisho waana i xanuunayaa waana adagyahay wuxuuna la egyahay liin dhanaanta yaryar wuuna sii waynaanayaa waxaasi ka baxdinbaa ma qanjidh halaabaybaa ma maalbaa waxaan jeclaan lahaa in laiisheego wuxuu yahay qaliinse maku sameeyaa fadlan isoo jawaaba waanla dhibaateysnahay xanuuka waxaa iiga daran murugta dhanka qalbiga ah ee uu igu haayo oon isleeyahay waxani waa maxay waxaana joogaa tuulo aana dhakhaatiir fiicani joogin oo iyana garan maayaan dawada unbey gadaan
Title: Re: Su'aal: kasoobax/ baxdin kasoo baxday kilkisha?
Post by: SomaliDoc on September 17, 2017, 09:06:33 PM
Waxaasi waa qanjir bararay, waxayna astaan u tahay in caabuq uu jiro ama cillad qanjirka asiibtay, inta aan qalliin lagu samayn ka hor badanaa dheecaan ama cad ayaa laga qaadaa baaritaan ayaana loo diraa weliba haddii jirka laga waayo astaan caabuq tilmaamayso.

Marar badan ayay qanjirradu bararaan, laakin muddo kadbi way shuuqaan oo caadigoodii ayay ku laabtaan, laakiin haddii ay joogto noqoto waa in baaritaan la sameeyo.

Marka inta aadan qalliin iskaga samayn, fadlan la xiriir dhakhtar.