Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on October 22, 2016, 07:36:12 PM

Title: Su'aal: Isticmaalka Whey Protein?
Post by: Diihaal Guuto on October 22, 2016, 07:36:12 PM
Asc ugu horay waa salaamayaa Dr mahdi iyo akhristayaasha biggan qiimaha badan ee somalidoc.

Su'ashaydu waxa weeye waxaan ka mid ahay dhalin yarada gasha GYMKa oo qaada biraha.

Waxaan ku dadaalaa cuno dheli tiran waxaan kaloo qaataa Waxa Loo yaqaan (Whey Protein Powder)
Hadaba ma jirtaa wax halis caafimaada oo uu leyahay geedkan.

mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka Whey Protein?
Post by: SomaliDoc on October 30, 2016, 10:28:16 PM
(http://somalidoc.com/Topics/whey.png)

Bismillah,

Waxaan maanta kaga hadli doonaa casharkeena mawduuc ay dhowr jeer isoo weydiiyeen dhalinyaro badan oo ku tixan "Gym-ka".

Dhalinyaradaas oo badanaa isticmaalo budada loo yaqaano "whey protein" iyagoo u qaato murqo dhiska markay jimicsanayaan.

Waa maxay "Whey Protein"?
Caanaha markay kala fadhiistaan, waxay u kala baxaan biyo iyo burcad, biyahaas ayaa loo yaqaanaa "Whey", waxay ka kooban yihiin borotiin, dufan iyo dhowr macdan oo aan badnayn.

Borotiinka biyahaas ku jira ayaa loo yaqaanaa "Whey protein", Guud ahaan borotiinka caanaha lo'da ku jira waa laba nooc: Whey protein oo boqolkiiba 20% ah iyo Casein protein oo boqolkiiba 80% ah. meesha caanaha hooyada ay boqolkiiba 60% yihiin "Whey protein" 40%-ka kalane ay "Casein protein" tahay.

Muxuu faa'ido u leeyahay caafimaadka iyo jir-dhiska?
Laga soo bilaabo sanadkii 2004-tii illaa maanta waxaa borotiinka "Whey" lagu sameeyay dhowr cilmibaaris oo kala duwan iyadoo la fiirinayay hadduu jiro wax isbadal caafimaad uu jirka ku sameeyo, cilmibaarisyadaas waxaa ugu waawaynaa illaa 3 cilmibaaris.

Cilladaha uu yeelan karo borotiinkaan waxaa ka mid ah in aad xasaasiyad ka qaadi kartid khaasatan haddii awal ay caanaha lo'da ku dhibi jireen, waxyaabaha aad isku arki kartid waxaa ka mid ah, caloo xanuun, dibbiro, shuban iyo findoob wajiga ka soo yaaco.
Waxaa kaloo muhiim ah dadka sida sahlan kilyahooda dhagaxaanta ugu samaysmaan inaysan badsan isticmaalka joogtada ee borotiinkaan, sidoo kale haddii aad qabtid xanuunka loo yaqaano "Gout-ka" ee suulasha cagaha barariyo in aad ka fogaatid borotiinkaan.

Daawooyinka qaar lalama qaato borotiinka "Whey" sida daawada Fosamax, Ciprofloxacin, Tetracycline, Levofloxacin iyo Daawada cudurka Parkinson ee Levodopa.

Sidee uga faa'idaysan karaa borotiinka "Whey"?

Sidee guriga ugu samaysan kartaa "Whey Protein"?
Si sahlan ayaad u samaysan kartaa borotiinkaan adigoo huba in aad helaysid borotiin waxtar leh, qarash badane aanan kaaga bixin, fadlan raac tilaabooyinkaan hoose:

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ku hoos qor isla qoraalkaan ama ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)[/list]