Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xidig on July 30, 2016, 09:51:19 PM

Title: Su'aal: Mushkilad miyaa in qofku keligiis isla hadlo?
Post by: Xidig on July 30, 2016, 09:51:19 PM
Salaan kadib, dhaqtarka sharafta leh waxan weydiinayaa "Mushkilad (jirro) miyaa in qofku keligiis isagoo ah isla hadlo?"

Dadka qaar iyaga oo soconaya dadka kalena u jeedaan ayey isla hadlaan. Qaarkood kor ayey u qayliyaan weliba iyaga oo ficil ku daraya sida inay wax tilmaamaan ama faraha fiiqaan sida inay ruux hor jooga la hadlayaan.

Anigu sidaas ma ihi, balse marka aan keligey ahay oon qolkeyga joogo ama aan keligey jidka socdo waan sheekaystaa si cod gaaban ah. Waxyaabaha aan ka sheekaysto waxaa kamid ah tusaale: inaan nafteyda kala tashado ficilo aan samayn doono mustaqbalka dhow, qaabka aan ula hadli doono qof aan balansannahay, inaan sii jilo sida ay noqon doonto khudbad aan jeedin doono ama inaan is madadaaliyo oon heeso, iska qosliyo i.wm.

Dhaqtarka waxaan si xushmad leh uga codsan in uu arrintaas iga jaahil saaro, anigoo garowsan inay tahay wax bulshada Soomalida dhexdeeda aad ugu badan.

Mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Mushkilad miyaa in qofku keligiis isla hadlo?
Post by: SomaliDoc on October 01, 2016, 03:22:58 PM
Ka akhriso qoraalkaan isla-hadalka noocyadiisa iyo marka uu mushkilad noqon karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6459.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6459.0)