Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amen010 on February 13, 2016, 02:13:31 PM

Title: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
Post by: Amen010 on February 13, 2016, 02:13:31 PM
Assalamu_allaikum all of you
DR; waad ku mahadsanatay wxkastood noo qabatid sharafbay noo tahay hadaan ugudo galo su'aashayda
Saliidaha madaxa ama in madaxa la saliidaysto oo lagu dhaashado saliid nooca ay doonto ha ahaatee maxay caafimaad leedahay haday jirto saliid igu fiican oo la marsadaa noo faa'ideeya doctors thanks
Title: Re: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2016, 02:57:53 PM
(http://somalidoc.com/Topics/saliidtin.png)

Tinta waxaa ku dhaca dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in ay daadato, jajabto, midabkeeda isbadalo, cirro gasho, khafiif noqoto iyo cillada kalba.
Waxaa la isku waafqsan yahay intaasba in looga hortagi karo in saliid la mariyo.

Saliida waxay tinta siisaa nafaqo si ay u korto ugana ilaaliso cilalda kale ee ku imaanyos.

Saliidu waa ina y noqotaa mid qiyaas ah, lama rabo in ay badan tahay oo ay xirayso duleelada yaryar ee basada, lamana rabo in ay yartahay oo tinta aanan wada gaaraynin, sida ugu haboon waa in saliida lagu daliigaa basada, tintane la wada gaarsiiyo.

Saliida dabiiciga ah ayaa waxtarka badanaa laga helaa, waxayna u kala fiican yihiin sidatan markii cilmibaaris lagu sameeyay:
1- Waxaa ugu horeeya saliida zaytuunka, tan oo na farax galinayso maadaama rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkisia ha ahaatee uu nagula dardaarmay in geedka zaytuunka saliidisia aan marsanno.
2- Waxaa ku xiga saliida qumbaha, tanoo iyadane tinta siiso nafaqooyin kala duwan.
3- Waxaa ku xiga saliid loo yaqaano "Argan Oil" oo laga shiido geedka loo yaqaano "Argan tree" waa geed ka baxo waqooyiga Africa khaas ahaan wadanka Marocco, waa saliid cunanda iyo isu-qurxinta labadaba loo isticmaalo.
4- Waxaa ku xigta saliida afokaadaha "Avocado Oil", waxaanal sheegaa in ay tahay saliida ugu fiican tinta qallalan ama dhakhso qallasho.

Intaa ka dib maxay saliida dabiiciga ah ay tinta u tartaa?

Akhris qoraal ku saabsan Faa'idooyinka Saliid Macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
Post by: Mohamed saxane on February 19, 2016, 06:51:02 PM
Doctor adoo mahad san
Tirada saliidahan ma ku jirtaa Sesame oil ama saliid macsarada
Iyadu wax tar timaha uma leh miyaa?
Haday ku jirto kaalintee kaga jirtaa?
Title: Re: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
Post by: SomaliDoc on February 25, 2016, 03:16:41 PM
Dabcan saliid macsarada faa'ido way u leedahay tinta iyo madaxaba, baaritaano badanne waa lagu sameeyay, in aysan ka yaraysan kuwaan aan xusnayne waa suura gal, akhriso faa'idada saliida macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html)