Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Daljire on July 05, 2012, 05:16:25 PM

Title: Su'aal: Riiraxyo dhuunta ah?
Post by: Daljire on July 05, 2012, 05:16:25 PM
asc waxaan rabaa in ax leyga shego cunka ama riiraxyada dhuunta waxaan isku arka riiraxyo habeenkii makaan seexanaayo ama mararka qaar thanks by daljire
Title: Re: Su'aal: Riiraxyo dhuunta ah?
Post by: SomaliDoc on November 03, 2012, 10:22:32 AM
(http://somalidoc.com/Topics/riiraxyo.png)

Riiraxyadu waa cuncun laga dareemo dhuunta, si kala duwan ayaana looga sheegta waxaana ka mid ah:

Sidaa darteed Riiraxyada waxaa keeno cudurro dhowr ah waxaa ka mid ah: Allerjiga, Caabuqa cunaha noocyadiisa kala duwan sida qulaalnqusha, bocorka ama ququutaha, qumanka.
Waxaa kaloo keeni karo laabjeexa ama biyaha kulul oo caloosha ka soo rogmado, tan oo dhuunta dhaawac gaarsiin karto.

Si loo ogaado intaas midda ay thaay waa laga maarmaan in aad la xiriiritd tkhtar si uu safiican kuugu wareesto kuuna wiisiteeyo, kadibne baaris laguugu diro haddii loo baahdo.

Sidee lagu joojiyaa Riiraxyada?
Siyaabo badan ayaa lagu taliyaa, laakiin waxaa ugu fiican in aad ku luqluqato biyo kulul oo cusbo leh, cusbadu waxay bararka ka yaraysaa dhuunta, taasoo keenayso inuu qufaca istaago.
Waxaa kaloo isticmaali kartaa biyo iyo sanjabiil la isku karkariyay in aad cabtid sida shaaha oo kale.

Akhriso qoraal ku saabsan Quumanka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html)

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)