Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hamit on January 09, 2019, 06:08:34 AM
-
asc ditoor..gabar yar ba i joogta oo 9 bilood hada jidha ilaa hada kaligeed ma fariisan kadho in wax lagu tiiriyo maahane...weey ciyaaraysaa wey hadaaqaysaa weey dhaq dhaqaaqaysaa..ispitaal markii aan gaynay qalaba beey sareen waxay nagu dheheen xubneheeda sidii la rabay uma shaqay nayaan..SCAN raajo la suuxinayo baan saaranaynaa 30 janaury beey dheheen dhiigag na weey ka ka qaadeen walina wax jawaab tii maanan helin..ciladaas maxay tahay ditoore maxaanse samayn kar naa...mahadsanid...
-
Cilladaan waxay noqon kartaa dhibaato dhinaca neerfaha ah, mid ka timid maskaxda ama lafdhabarta, weliba u badan inay gaartay xilligii foosha taasoo ka dhalatay oksajiinta oo maskaxda ku yaraato, waxaana arintaas ka dhalato xanuunka loo yaqaano "Cerebral Palsy", faahfaahinta xanuunkaan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,8099.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,8099.0.html)