Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on November 03, 2011, 06:41:33 PM

Title: Su'aal: Cunidda Hilibka Sagaarada Ma U Fiican Yahay Caafimaadka?
Post by: CilmiSabca on November 03, 2011, 06:41:33 PM
Asc wrt wbrt, bacda salaam.
Dhakhtar, cunista hilibka Sagaarada (nooc ka mid ah Xayawaanka duur joogta ah) ma u fiican yahay caafimaadka Dadka guud ahaan, gaar ahaan caruurta.
Dhakhtar su'aashaan waxa igu kalifay: nin ka ganacsada Sagaarada oo nool nool oo waxaan arkay koox Dumar ah u xayeysiinaya in hilibka Sagaarada (yac & atoor) ay daawo u yihiin cudurro kala du'duwan isla markaasna ay ka buuxaan maadooyin badan. Dumarkii iyaguna way ka gadanayeen sagaarada uu siday. Markaa ayaan ana baadhis ku bilaabay waxa uu ninkaa dumarka u sheega hayey, waxaan helay xoogaa macluumaad ah, waxaana aan jecleystay in aan jawaab kaa helo si aan iskugu daro ama aan iskugu eego si aan aniga & dadka kale ba uga wada faa'iideysano. Jawaabtaada su'aashan ku aadan hadday dhag noqoto waa okay. Waxana rajeynayaa in aad jawaab faahfaahsan inaga siin doontid Insha Allaah. Macluumaadka aan Sagaarada ka hayana waan kula sugayaa haddii ay na anfaceysana waan soo dhigayaa. Thank You Somalidoc.
Title: Re: Su'aal: Cunidda Hilibka Sagaarada Ma U Fiican Yahay Caafimaadka?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 08:57:09 PM
Sagaarada waxaa la sheegaa in ay ku nooshahay dhulka soomaalida kaliya, sidaa awgeed garan maayo haddii ay jirto cilmi baaris lagu sameeyay faaidada hilibka sagaarada.
Laakiin xayawaanka kale oo aan ka agfogeyn waa deerada oo hilibkiisa baaritaanno badan lagu sameeyay aqoonyahannada qaarne ay sheegaan inuu yahay hilibka ugu caafimaad badan ee laga cuno dunida maxaayeelay wuxuu leeyahay borotiinka ugu badan, dufantane aad ayay ugu yartahay, hilibka deerta laguma cayilo, kolastaroolne ma keeno, wuxuu leeyahay tiro ku filan birta, fosforus, zinc, sleniyam iyo fitamiin b12.

Fadlan haddii aad heyso faaidooyinka hilibka sagaarada noo soo gudbi.
Title: Hilibka Sagaarada Oo La Sheegay In Uu Daawo Yahay.
Post by: CilmiSabca on November 22, 2011, 04:35:50 PM
Hilibka Sagaarada* ayaa la sheegay in uu daawo yahay, isla markaana uu yahay hilib ka macaan hilibka Xayawaanada kale ee la cuno.
Daraasad la sameeyey sanadkii laba kun & shantii (2005) ayaa waxaa lagu sheegay in hilibka Sagaarada uu yahay hilibka kan Ugaarta kan ugu macaan haddana uu daawo u yahay cudurka Lalleemo** iyo xubnaha Bini aadamka ee dhintay, iyo sidoo kale
Cudurrada ku dhaca Kaadi-haysta, wadna xanuunka, calool xanuunka & dheef-shiidka.
Waxaa kale oo uu daawo u yahay kana qeyb qaataa hilibka Sagaaradu koriinka Caruurta.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay, in hilibka Sagaarada uu ka koobmo maadada la yidhaahdo Jalikajiin, taas oo isku bedasha maadada Jilikoos marka uu jirku qaato, waana awood amma tamar aad u wanaagsan.
Waxaa kale oo la sheegay in hilibka Sagaarada uu daawo u yahay unugyada dareenka, wuxuuna ku abuurmaa xubnaha & unugyada dareenka isla markaana waxa uu siiyaa xubnaha dareenka awood ay si aad ah ugu wanaagsanaadaan.
Warbixintu waxaa sidoo kale ay sheegtay in laga helo hilibka Sagaarada tamarta saddexda ah oo ay ku sheegtay warbixintaas: Botaasiyam, Phosphate iyo Glikos isla markaana waxay sheegeen in hilibka Sagaaradu uu daawo u yahay Maskaxda.
_______
* Sagaaro (-da) ~ Ugaar yaryar oo dhowr nooc u sii kala baxda. Kan Lab waxa la yidhaahdaa ATOOR, tan Dheddig-na waxaa la yidhaahdaa YAC.
** Lalleemo (-da) ~ Gariir   xubnaha oogada qaarkood yeeshaan; badanaa gacmaha, indhaha iyo meelo kale oo jirka ka mid ah. Waxaana ugu wacan cudurro, gaboow, jug IWM.
NB: WARBIXINTAN WAXAA DIYAARIYEY DR MAX'UUD AL XAMUUDI. link-gii ma hayo waayo netka kama soo xigan, waxaana ka soo guuriyey buug aan cashar ahaan ugu qaatay sanadkii 2005. Fadlan haddaan qalday ha laga raali noqdo.