Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: A.naasir on December 29, 2018, 11:58:12 AM

Title: Su'aal: Qanjirka prostate dhinecee ku yaalaa?
Post by: A.naasir on December 29, 2018, 11:58:12 AM
Asc bahda somali somalidoc!
Waxaan ahay wiil 25 sano jira. 
Xaas malihi.waxaan  cadaadis gudaha eh ka dareemooyaa meesha lafta bisqinleydu uga tagto misigta bidix inyar korkeeda. markaan jiifto lugaha soo laabo ayaan sifiican udareemooyaa inay barar gudaha ah jiro.
Markaa waxay  suaashaydu thy manoqon karaa qanjirka (prostate) oo bararsan mase la kuyaalaa dhinaca bidix ee ubucda hoose?
Dr ani waxaan La qabsaday inaan siigaysto mana jiifan jirin ilaa aan tuurto badana  :-) hada  iska dhaafay go’aan Ayaan ka gaaray  markii aan xanuunkan dareemoy mar dambeneh masayn ama samayn doono iinsha alla. Markii ugu horaysay en dareemo xanuunkan (20.12. 2018).
Isla taariikhdan aan soo sheegay dhexdeeda waxa si lama filaan eh gacanta ugu dareemay gadaasha ( dabada) dhiig cas  Iga imaaday wax shiir (ur) eh MA lahayn
Markaa muqusha aadayneh masoo bdn mar markaleneh  iskuma arkin.
Markaasi mxy kula thy dr in xaalku yhy?
Talo caafimaad ayaan kaa sugayaa dr mahadsanid. 
Title: Re: Su'aal: Qanjirka prostate dhinecee ku yaalaa?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2019, 09:51:42 PM
Meesha aad tilmaantay waxaa ku aadan kaadi haysta waxaa laga yaabaa inuu caabuq kaadiheysta ama kaadi mareenka inuu jiro, wayna isku arkaan dadka siigeysto, qanjirka borostaatada wuxuu ku aadan yahay meesha ibta ay ka bilaabanto gadaasheeda waxaana bararkiisa lagu dareemaa in dabada dhinaceeda far la soo geliyo ama in computer lagu saaro.

Arinta ku saabsan siigeysiga aad caadaysatay iska jooji caafimaad ahaan ma fiicno, halkaan ka akhriso dhibaatooyinka siigeysiga laga dhexlo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0)

Midda ku aadan dhiigga saxarada halka mar soo raacay waxaa laga yaabaa inuu baabasiir gudaha uu jiro, wayna dhacdaa in qofka dhiig hal mar isku arko, kadibne iska waayo, ku dadaal inaad calooshaada jilciso.