Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Farax on May 10, 2011, 09:34:10 PM

Title: Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?
Post by: Farax on May 10, 2011, 09:34:10 PM
assalamu calaykum

Walaal waad mahad santihin sidaa waxkasta noo fahan siisaan.Su'aal ayaan qabaa waxay kusabsan tahey cudurada maskaxda sida aniga aad dareesanahey,laakiin laga yaabo in aan qaldanahey. waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan oo aan dhibsado
iyo in aan aad u xishoodo gabi ahaanba dabeecadeeda. hanoqoto in an dad badan meel ee joogaan ama dad yar aan aqaano badanaa laakiin waa dadka aan isku cusubnahey.

Marka walal somalidoc hal mar hadad iga caawin lahedeen sida an sameen lahaa in aan tago doctorka maskaxda iyo in aan wax kale sameeyo ilataliya walalayaal waana mahadsantihin wax walba.
Title: Re: Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?
Post by: Shenamic on May 11, 2011, 04:28:24 PM
Cabsidda Noocaan oo kaleeto ah waxaa cilmi ahaan la yiraahdaa "Crowd Phobia", Waana wax uu inta badannaa Qofka uu isagu isku beero ama uu Maskaxdiisa ka dhaadhiciyo. Si kasta oo ay tahay, ama heerkedu yahay, Dhaqtarka ugu wanaagsan ee iska daawayn karaya "Waa Adiga". Taladda Ugu wanaagsan ee aan ku siin karayo waa " In aad Samayso, Wixii aad ka cabsoonaysey". Booqo, oona Fariiso Meelaha Dadka Ay ku kulmaanin, Taas waxay kaa Caawinaysaa in aad Maskaxdaada ka dhaadhiciso in Aysanna Jirinin Wax dhib ah ama Qatar ah Fariisashadda Meelahaas, ama wax ka cabiddooda ama wax ka cuniddooda. Haddii ay adiga Shaqsiyadda kugu adag tahay, Ka xayso Mid ka qof saaxiibaddaa, Dabadeedna Isku day in aad kaligaa Booqatto.


Tusaale wanaagsan hadan ku siiyo: Ka soo qaad Haddii Qof uu ka baqo caararaadadda, Haddii Qofkaas uu dhaqtar booqdo, Dhaqtarku daawo uma qorayo, Waxa uu samaynin Mataqaanaa?? Isla Caaraaraddii Buu qofka gacanta u saarin, Si uu u tusiyo in aysanna waxba yeelaynin, Siddaas baynana Baqdintii kaga tagaysaa...

Ugu damayntii " Booqo oo Tag Meelaha aad ka baqayso, Illaa inta Cabsidda aad Maskaxdaaada Ku beertay kaa tegeyso" Haddii Cabsiyo siddaas oo kalena ahna aad la kulanto, Daawadda ugu fiican waa "Adiga oo Shanta La galla Wixii aad ka baqaysey".

Wixii Su'aal kale ah, Diyaar bannu u nahay Wll.

-