Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdiaziiz on February 07, 2016, 12:28:44 PM

Title: Cilladda Kogidda iyo Is-dul-fuulka Faraha
Post by: Abdiaziiz on February 07, 2016, 12:28:44 PM
maxaa keeno in qofka gacantisa iyo suulkiisa ay jireyaan asagoo xaalad dagan isaga jiro mararka qaarna lugtiisa ay qaab naxdin oo kale ah u boodo asagoon amrin xanuunka jareyska gacmaha iyo suulasha waxan la arkay markuu jiimka iska daayay walalkey ma la dhihi karaa jiimka aa keenay?
maxase keeno in qofka mararka qaar baahi daran qabato oo uu ubaahdo energy sida sokor inuu cuno ayadoo baahidaas ay lasocto in qofka galagoysyadiisa oo dhan ay daal soo wajahaan oo uu jecleesto inuu sariirta ku nasto?
Title: Cilladda Kogidda iyo Is-dul-fuulka Faraha
Post by: SomaliDoc on February 09, 2016, 12:58:02 PM
(http://somalidoc.com/Topics/isdulfuulfar.png)

Waa arrin jirta oo ay ka sheegtaan dad badan, waana in faraha cagta ama gacanta ay qalloocdaan ama kogaan ama is dul fuulaan oo la kala dajin kari waayo xanuun siyaadane uu la socdo. Waxyar ka dib waa baaba'daa oo caadigeedii ayay ku soo laabataa.

Marka ay kugu cusub tahay arrintaan qofka aad ayay uga nixisaa,  laakiin markii uu la qabsado wuu fahmi karaa in ay tahay arrin ka fuqi doonto muddo ka dib ay tahay, wuuna la qabsadaa badanaane dhakhtar uma raadsado.

Maxay tahay arrintaan?
Faraha oo boodo ama qalloocdo ama ay kogaan waxay ka timaadaa cillad daal oo ku timaado murqaha yaryar ee faraha iyo suulka dhaqdhaqaajiyo ku timaado, taasoo ka dhalato qalad kontaroolka ah, Laakiin iyadoo saas ay tahay haddane dhowr cilladood ayaa keeno arrintaan. Qofka wuuu ka dareemi karaa hal far ama laba farood khaasatan midda labaad ee suulka ku xigta, midda afaraad iyo midda sadaxaad ee cagta, waxaana badanaa cilladaan la dareemi karaa xilliyada qabawga ama markii in muddo ah gacmaha ama lugaha biyo lagula dhex jiro.

Maxaa keeno cilladaan?

Haddii cilladaan joogto noqoto waxaa laga yaabaa in qofka ay ku yar tahay fitamiinnada iyo macdanta muhiimka u ah xoojinta murqaha, sidoo kale dadka waayeelka ah oo cilladaan lagu arko waa qasab in la siiyo daawada isku jirta ee Kaalisyamta, Vitamin D-ga iyo Magensiyamta, sidoo kale hadduu xanuunkaan uu la socdo kabuubyo waa in la siiyaa fitamiin B1, B6 iyo B12 oo isku jiro sida kaniiniga Neurobione forte oo kale.

Maxaa astaamo kale oo la socon karo arrintaan?
Waxaa la socon karo dubaaxin ama boodbood lugta ama cagta ah taasoo haddii cillada neerfaha heysato ay wayn tahay, waa la arki karaa arrintaan.

Sidee loo daaweeyaa arrintaan?
Daawada waxay ku xiran tahay in la ogaado cillada keentay midka ay tahay kuwa kor aan ku soo xusay, waxaa laga yaabaa kaniini calcium ah kaliya in aad u baahato, waxaa dhici karto daawo aad qaadatid in lagaa joojiyo, waxaa dhici karta xanuun neerfaha lugaha saameeyo inuu jiro sida macaanka ama sonkorowga, hadduu welwel ku hayo oo caadaysato in aad faraha joogto uga shaqaysiiso in welwelkaas lagaa yareeyo.

In aan daawaba laguu qorin way dhici kartaa haddii ay cilladaan ahayn mid soo noqnoqoto.
Dadka qaar waxaa caawiyo vitamic C-ga.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin intaa ka dheer, toos iigala soo xiriir qeybta messages-ka ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)

Haddii ay cilladaan sii socoto, fadlan la xiriir dhakhtar si laguu baaro, hadduu walaalkaa qaadan jiray daawooyin-ka la qaato xilliga gym-ka la ciyaaro sida hormoonada oo kale arrintaan way keenaan, ha joojiyo, hadduu joojiyane way ka istaagi doonaan insha'llah.

Su'aasha kale ee la xiriirto gaajada siyaadada ah, jawaabteeda ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)