Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saudi on January 17, 2017, 01:54:13 PM

Title: Su'aal: Waxaan qaba bararka prostate-ka?
Post by: Saudi on January 17, 2017, 01:54:13 PM
Waxaan qaba bararka prostate-ka. Waxaa leygu sheegay xanuunkaasi muddo sannad ka badan horteeda. Waxaa la ii qoray oon qaataa kiniiniyaasha kala ah Tamsulin & Ciprofloxin ilaa muddo sannad ku dhow. Ka horna waxaan qaadan jiray oo la ii qoray Finistrade.
Intaas aan kaniiniyaasha qaadanaayey isbeddel dhab ah kama arkin bararki. Waayo weli waa jiraa bararki. Waxaan ku garan karaa hadda cabitaan badan qaato kaadida ma celin karo. Laakin soo bixitaanka hore wax xanuun ah ama ciriiri kala kulmo. Mar kastana degdeg ayaan u baahanahay inaan musqusha galo. Haddi kale wey soo fakaneysaa kaadidu.
Ma heli karaa daawooyin ka awood badan kuwan aan soo sheegay, oo bararka prostate-ka si fiican u yareyn karo.
Mahadsanidiin.   
Title: Re: Su'aal: Waxaan qaba bararka prostate-ka?
Post by: SomaliDoc on April 21, 2017, 07:59:57 PM
Haddii daawooyinka Finasteride iyo Tamsolusine ay wax kaa tari waayaan, qanjirka badanaa waa la qalaa ee fadlan la tasho dhakhtar "urologist" ah.
Akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0)