Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on February 12, 2017, 01:04:05 PM

Title: Su'aal: Lafdhabarta ayaa xanuun ka sheegtaa?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on February 12, 2017, 01:04:05 PM
ASC DR WAN KAGA MAHAD CELINAYA DADAALKA AAD U HAYSO UMMADA SOMALIYED ARRIMAHA CAFIMADKA WANNA KU JACELNAHAY

DR SUASHAYDA WAXAY TAHAY WIIL WALALA NAHAY AYAA LAF DHABARKA KA SHEEGTA XANUN MAR WALBA XILGA FOORARSANAYO ILAA MUDO WAY XANUNTA WAXA UU KA SHAQAYN JIRAY XAMAALI YACNI WAX CULAAB BADAN BU TUNKA SARI JIRAY HASE AHATE SHEEGASHADII WAA KASII DARAY WAXA UU ARKAY IN UU XAASKISA U SHEEKAYN WAAYEY YACNI XAGA CIYAARTA WUU AWOODI WAAYA IN UUU LA GALMOODO. DR ARINKAAS BAL TALO NAGA SII?

MIDDA KALE DR XAASKISA MA SAAMEEYAA DUUDXANNUNKA HAYAA NINKEEDA AMA DHABARKA AMA LAF DHABARKA NINKA KA SHEEGANAYO YACNI WAX NINKA XAGIISA XANUNKA KU SABSAN AYADUNA MALAGA YAABA IN UUN WAX GAARAAN CILAD AH ?
Title: Re: Su'aal: Lafdhabarta ayaa xanuun ka sheegtaa?
Post by: SomaliDoc on May 13, 2017, 07:45:57 PM
Waxaa muhiim ah marka hore in la ogaado xanuunka dhabarka ka hayo, waa inuu dhakhtar la xiriiro si baaritaan loogu sameeyo lafdhabarta, halkaan ka akrhiso cilladaha ugu badan ee keeno dhabar xanuunka nuucaan ah:
1- Dhaawaca suxuunta dhabarka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0)
2- Tiibishada dhabarka ku dhacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7517.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7517.0)

Dhabar xanuunka maahan cudur galmada la isku qaadsiiyo, laakiin xanuunka wuu kaga sii dari karaa qofka dhabarka laga hayo hadduu sameeyo galmo, midda kale hadduu dhabar xanuunka saameeyo xangullaha ama neerfaha, waxaa qofka ka tagi karo dareenka kacsiga.

Waa muhiim in qofka astaamahaasi dareemayo in dhabarka laga sawiro, weliba raajada nuuca loo yaqaano MRI haddii la heli karo.
Title: Re: Su'aal: Lafdhabarta ayaa xanuun ka sheegtaa?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on May 19, 2017, 10:37:53 PM
thanks dr jwbtada Allah yaxfidik