Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ayuup isdabool on February 20, 2017, 11:29:50 PM

Title: Su'aal: Wadnaha ayaa aad ii xanuuna?
Post by: Ayuup isdabool on February 20, 2017, 11:29:50 PM
asc doctor salan ka dib waxaan dhakhtarka waydiin laha gabar wlshy ah ba markay howl qabato ama aad u socoto wadnaha aad u xanuuna dhakhtaro badan bay tagtay maxa ku caawin kartaan
Title: Re: Su'aal: Wadnaha ayaa aad ii xanuuna?
Post by: SomaliDoc on May 26, 2017, 08:29:20 PM
Inkastoo bulshadu badankeed ay bog xanuunku u taqaano wadne xanuun laakiin wadnuhu wuxuu ku yaallaa naaska bidix hoostiisa, haddii halkaas ku xanuunayso markaad howl qabatid, waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid si loo fiiriyo xanuunada keeni karo sida dhiig-yarida, kolestaroolka, wadne qabadka, xanuunka thyroid-ka iyo cillad kale oo badan.

Waxaa aad u haboonaan lahayd in aad faahfaahin dheeraad ah ka bixisid xanuunkaaga iyo qaabka laguu qabanayo si aan talo fiican kuu siinno.