Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on January 18, 2011, 08:14:50 PM

Title: Macdanta Xadiidka ee Cuntadaada (Iron in Food)
Post by: SomaliDoc on January 18, 2011, 08:14:50 PM
Waa maxay sababta ay macdanta xadiidku (iron) muhiim u tahay?
Macdanta xadiidku aad ayay muhiim u tahay maxaa yeelay waxay jirka ka caawisaa in uu sameeyo borootiinta loo yaqaanno “haemoglobin”. Haemoglobin, ama ‘Hb’, waa borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jirkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen” waxayna midabkeeda cas u gudbisaa dhiigga.

Maxaa dhici kara haddii macdanta xadiidku kugu yar tahay?
Haddii ay yaraato macdanta xadiidka ee jirkaagu, waxaa dhici karta in unugyadaada dhiigga cas aysan ku filnayn borootiinta haemoglobin ee ku jirta. Inta ugu horraysa waxaa laga yaabaa in aadan dareemin wax isbeddel ah, hase yeeshee, haddii ay hoos u sii yaraato borootiinta haemoglobin, waxaad bilaabi kartaa in aad daal dareento. Haddii ay macdanta xadiidku aad kuugu yar tahay,
waxaad dareemi kartaa daciifnimo ama neef la’aan aan caadi ahayn. Waxaa taas loo yaqaannaa “anaemia”.
Cudurka anaemia (dhiig yaraanta) waxuu leeyahay noocyo kaladuwan, laakiin kiisa ugu badan waxuu ka dhashaa yaraanta macdanta xadiidka.
Qaadashada caddad kugu filan ee macdanta xadiidku waxay kaa caawin doontaa in aad sii fiicnayso sida jirkaagu u shaqeeyo waxayna deddejin kartaa bogsashadaada qallinka ka dib.

Halkee ayay macdanta xadiidku ka timaaddaa?
Waxaad caadi ahaan macdanta xadiidka ee kugu filan kala soo bixi kartaa cuntada isku dheellitiran maadaama laga heli karo cuntooyin kaladuwan.
Ingiriiska gudihiisa ilaha ku jira cuntadeena ee sida ugu badan looga helo macdanta xadiidku waa heedda iyo badeecooyinka heedda, hilibka iyo cuntooyinka hilibka leh iyo khudaarta. Waxaannu u baahan nahay in aannu cuntadeena si joogto ah uga helno macdanta xadiidka maadaama uusan jirku si fudud u nuugi karin.

Maxaa yareeya macdanta xadiidka?
Haddii aadan cunin cunto kugu filan oo ay macdanta xadiidku ku jirto, waxaa laga yaabaa in ay macdanta xadiidku kugu yar tahay. Dadka khudaarta keliya cuna waxay u baahan yihiin in ay taxaddar gaar ah muujiyaan si ay u hubiyaan in ay cuntadooda ka helaan caddad ku filan ee macdanta xadiidka maadaama ay jirka uga adag tahay in uu ka nuugo ilaha aanan hilibka lahayn.
Mararka qaar, dhiig baxa – matalan goorta qalliinka – ayaa keeni kara khasaaraha macdanta xadiidka.
Gabdhaha iyo haweenka cadadoodu aad u badan tahay ayaa halis ugu sii sugan in ay ku yaraato macdanta xadiidku sababtoo ah dhiig baxooga bil kaste. Uur lahaanta ayaa haweenka u geysan karta in ay macdanta xadiidku ku yaraato.
Carruurta yar yar ayay iyagana macdanta xadiidku ku yaraan kartaa. Fadlan la hadal takhtarkaaga si aad u hesho talobixin ku saabsan macdanta xadiidka ee cuntada haddii aad leedahay dhallaan ama ilme yar.

(http://www.mountnittany.org/assets/images/krames/112558.jpg)Waa kuwee cuntooyinka ilaha fiican u ah macdanta xadiidku?
Caddadka habboon ee macdanta xadiidka waxaad ka helaysaa cuntada kaladuwan ee isku dheellitiran. Cuntooyinka soo socda ayaa gaar ahaan ilo fiican u ah macdanta xadiidka:
• Hilibka cas ee aan barruurta lahayn
• Shimbiraha “turki” loo yaqaanno iyo digaagga
• Waxaa la iska og yahay in beerka ay ku badan tahay macdanta xadiidku, laakiin beerka LAGUMA talinayo inay haweenka uurka leh cunaan sababtoo ah waxaa ku badan Fiitamiinka A
• Kalluunka, gaar ahaan kalluunka saliidda leh ee la barafeeyey ama qasacadda ku jira (sida ka la yiraahdo “mackerel” ee badi bara-baraysan, saaraadiinka iyo kuwa yar yar ee la yirahado “pilchards”)
• Ukunta
• Heedda quraacda – heedda qaarkeed waxaa lagu ‘xoojiyey’ macdanta xadiidka
• Iniinaha iyo digirta - gaar ahaan digirta qasacadda ku jirta, xaydarada iyo misirka
• Looska (xataa subagga looska leh) iyo iniinaha miraha
• Bariiska maariinka ah
•Tofu
• Rootida, gaar ahaan rootida badarka dhan ama rootida maariinka ah
• Khudaarta caleemaha cagaaran, gaar ahaan noocyada kaabajka.
• Miraha la engejiyey gaar ahaan miraha midabka oranjada leh ee la yiraahdo ananaaska ee la engejiyey, sabiibka iyo miraha yar yar ee midabka madoow leh ee la yiraahdo “prunes”

Fiitamiinta C (ee mararka qaar loo yaqaanno “ascorbic acid”) ayaa jirka ka caawin karta in uu nuugo macdanta xadiidka, si aad markaa faa’iidada ugu badan uga hesho cuntada aad qaadato, marka aad wax cunayso qaado cuntooyinka ay ku badan tahay Fiitaamiinta C; matalan khudaarta ama miraha darayga ah, ama cabbitaannada sida casiirka liinta darayga ah.
Shaahu waxuu yarayn karaa in cuntooyinka laga nuugo macdanta xadiidka. Shaaha ha cabbin islamarka cuntada ka horraysa, ka dambaysa ama goorta aad wax cunayso waxaanad cabtaa uun waqtiga cuntada u kala dhexeeya.

Haddiina aan ahay qof khudaarta keliya cuna?
Inkastoo ay jirka uga sii adag tahay in uu nuugo macdanta xadiidka ee uga timaadda ilaha aanan hilibka lahayn, dadka qaata cunto si fiican isugu dheellitiran waxay awoodi doonaan in ay cuntadooda ka helaan caddad ku filan ee macdanta xadiidka. Waxaa weliba caawin doonta in ay weliba qaataan cuntooyinka kor ku taxan qaarkood ayna raacaan talada kore.

Maxaad samayn kartaa si aad u kordhiso macdantaada xadiidka?
• Isku day in aad qaadato cunto si fiican isugu dheellitiran gaar ahaan haddii aad uur leedahay ama haddii aad qalliin sugayso.
• Haddii aad og tahay in ay hore kuugu yarayd macdanta xadiidku, takhtarkaaga, kalkaaliyahaaga ama ummulisadaada wax ka weydii – waxay kuu diyaarin karaan in dhiigga lagaa qaado si loo baaro caddadka borootiintaada haemoglobin iyo macdantaada xadiidka.
Haddii la saxo yaraanta macdanta xadiidka waxaa sidaas lagu yarayn doonaa suurogalka in aad u baahato dhiig lagugu shubo.

Miyaan u baahan ahay in aan qaato kiniinnada macdanta xadiidka?
Dadka intooda ugu badan macdanta xadiidka ee ay u baahan yihiin dhammaanteed waxay ka heli karaan cuntada kaladuwan iskuna dheellitiran ee ay qaataan umana baahna in ay qaataan daawooyinka kordhiya macdanta xadiidka ama kiniinnada macdanta xadiidka.
Haddii macdanta xadiidku ay aad ugu yar tahay jirkaaga waxuu takhtarkaagu kuugula talin karaa in aad qaadato kiniin ka kooban macdanta xadiidka.
• Waa in kiniinnada macdanta xadiidka la qaata uun haddii uu takhtarkaagu kugula taliyo in aad sidaas samayso.
• Kiniinnada macdanta xadiidku waxay dadka qaar u geysan karaan calool-fadhi ama yaqyaqsi (matag qabasho). La hadal takharkaaga haddii aad dareento waxyeellooyin soo raaca.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan qoraalkaan waad na weydiin kartaan.