Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on June 26, 2015, 04:41:13 PM

Title: Faa'idooyinka Caafimaad ee Qaraha / Xabxabka?
Post by: SomaliDoc on June 26, 2015, 04:41:13 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qaraha.png)

Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa'ido u leh jirka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% inuubiyo yahay, saas ay tahayne waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jirka uusan ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.
Waxaa kaloo qaraha ku jiro macdanta bootaasiyamta oo unug walba oo jirka ka mid ah uu u baahan yahay.
Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed laguma tiriyo midhaha lagu cayilo.

Qaraha waxaa ku badan maaddada loo yaqaanno "Lycopene" waa maddoo ku yar midhaha kale, waxayna cilmibaarayaasha sheegaan in maadadaas inkastoo ay ku yartahay laga helo midhaha yaanyada, saytuunka gaduudan iyo cinabka gaduudan.

Maadada "Lycopene" waxay ka qeyb qaaataa caafimaadka wadnaha, lafaha iyo yaraynta khatarka kansarka qanjirka ragga "borostaatada"
Waxay kaloo maadadaan la dagaallantaa sunta jirka ku jirto.
Markasta oo qaraha aad u bislaado oo aad u sii gaduutto, maadada "Lycopene" way ku sii badan tahay.

Borotiinka qaraha laga helo waxaa u badan nooca loo yaqaanno "citrulline" waxayna muhiim u tahay xididada dhiigga, waxayna kordhisaa qulqulka dhiigga.

Waxaa kaloo qaraha ku jira maadada kaalsiyamta iyo birta inkastoo ay ku yaryiihiin.

Caafimaadka iyo Qaraha / Xabxabka:


Soonka iyo cunista ama cabidda Qaraha:

Faa'idooyinkaa kor ku xusan awgood, qaraha waxaa lagu xisaabiyaa midhaha ugu horreeya oo haddii la heli karo in lagu afuro ay fiican tahay, sababtuna waa sidatan:
1- Qaraha oo oonka u roon iyo fuuqcelinta jirka
2- Qaraha oo dheefshiidka u roon oo caloosha iyo mindhicirrada u diyaariya cuntooyinka aad ku afuri rabitd.
3- Qaraha oo qulqulka dhiigga kordhiyo taasoo qofka uu ka heli karo nashaad iyo firfircooni, khaas ahaan salaadda taraawiixda.
4- Qaraha oo leh faa'idooyin nafaqo jirka uu u baahan yahay.

Haddii aad su'aalo qabtid caafimaadka la xiriiro halkaan ku soo gudibso: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Faa'idooyinka Caafimaad ee Qaraha / Xabxabka?
Post by: Admin on November 10, 2016, 09:47:34 PM
Akhriso Faa'iidooyinka Caafimaad ee Muuska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7215.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7215.0)