Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on March 31, 2016, 09:30:42 PM

Title: Malmalka iyo Waxtarkiisa Caafimaad
Post by: SomaliDoc on March 31, 2016, 09:30:42 PM
(http://somalidoc.com/Topics/malmal.png)

Waa maxay Malmal?
Malmalka waa nooc ka mid ah xabagta, waxaana laga gurtaa geedo gaar ah, waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Myrrh", eraygaan asal ahaantiisu waa laga keenay kalmada af-carabiga ee "Murr" oo ah macanaheedu "Qaraar" Malmalka waxaa loo qeybiyaa sadax nuuc oo kala ah:

Nasiib wanaag nooca ugu badan ee la diraaseeyay waa nooca soomaaliga ah ee dunida u taqaano "C. molmol", taariikhda waxaa la sheegaa waagii boqortooyada faraacinada inay malmalka uu ahaa wax aad u qaali ah maadaama loo adeegsan jiray in lagu xifdiyo maydadka boqorrada iyo caruurtooda, waxaana la aaminsanaa inuu ahaa daawo cirka laga soo dajiyay!!

Malmalku waa daawo dhireed dunida laga isticmaali jiray boqolaal sano ka hor, waxaana loo isticmaalaa:

Sidee loo isticmaalaa Malmalka?
Malmalka waxaa loo isticmaalaa siyaabo kala duwan sida cabitaan, ismaris, luqluqasho, uumis, bomaato/kareem iyo budo ahaan.

Waxyeellada Malmasha:
Waxaa lagu taliyaa in hooyada uurka leh iyo hooyada nuujinayso ay ka fogaadaan isticmaalka malmalka, maadaama la arkay inuu ilmaha soo ridi karo.

Dadka qaato daawooyinka sokorta qabo waxaa lagula taliyaa inaysan la qaadan malmalka, maadaama la arkay inay sokorta aad u dhacdo, tani waxay ka tarjumaysaa inuu macaanka uu daawo u yahay, laakiin weli lama sheegin illaa iyo hadda inuu daawo u noqon karo macaanka nooca 1-aad (Type 1 Diabetes) oo aan ku xusay sheekadii "Abshir" oo iskaga daaweeyay Macaanka Type-1.

Malmalka iyo Hammi yarida:
Inkastoo soomaalidu aaminsan tahay in malmalka uu hamiga iyo dareenka kacsiga ku yareeyo ragga, laakiin illaa iyo hadda lama hayo wax cilmibaaris ah oo arrintaan waafaqsan, lakiin waxaa cajiib ah in shiineeska ay malmalka u adeegsadaan hammi yarida iyagoo ku daro daawooyin kale!, marka ma malmashooda ayaa teena ka duwan mise qaabka aan u isticmaalno iyo qadarka aan ka isticmaalno ayaa khaldan, waa arrin u baahan baaris dheeraad ah si looga sal gaaro.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)