Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on August 27, 2013, 07:44:39 PM

Title: Su'aal: Tuubada kaadi haysta?
Post by: Abdirizak on August 27, 2013, 07:44:39 PM
Asc, dr. Da'daydu waa 30 jir,  laba habeen ka hor ilaa hada waxaan isku hayaa ciladan. Waxaan ahay xaas. Waa jibaadkaygii ninimo marka aan dhamaystay. Waxaa aad ii dhibaya shahwadda marka aysoo marayso tuubadda kaadida. Illaa wakhtigan waxaa aad ii dhibayso kaadida oo marka aysoo marayso tuubadda waxaad moodaa inay wax celinayaaan. Kadib kaadidii inteeda badani waxay kunoqonaysaa kaadi haysta, xitaa waxaan kilidda ka daree mayaa xannuun siyaado ah. Hada kahor dhakhatar waan u tagay, ultrasound ayaa laysaaray waxna maqabtid ayuu idhahay, lkn ciladayda ayaan u sheegay inaysan ahayn kilyaha iyo qanjirka prostetaha. Balse aan xanuunka ka dareemaayo tuubada kaadi haysta. Wuxuu ii qoray labadan kiniini. Prostacure plus iyo kiroll ofloxacin 200 mg. Sidaydii horena waxbaa iska badalay, Lkn markaas reerka mawada joogin. Teeda kale biyahana aadbaan u cabaa maalintii iyo habeenkii ug badnaan 2 ltr. Ciladda hada ihaysa waxay tahay hadaan biyo badan cabo kaadidiina igu noqonayso 50% maxaa xal ah. Kiinii niyadaasna hada lagama helo meeshaan joogo siiba prostacure plus.   waliba waxaa sii dheer dhakhtar cilmi uleh majoogo magaaladan. Bal talo ahaan. Ciladan maxaad iigu soo kor dhinaysaan. Illaaahay ayaa caafiaad hayee, dadka islaamka ahna dhamaan illaahay ha caafimaadiyo. Amen
Title: Re: Su'aal: Tuubada kaadi haysta?
Post by: SomaliDoc on November 05, 2013, 01:20:43 PM
Hadii daawooyinkii laguu qoray aad wax iskaga garatay waxay u badneed caabuq kaadi mareenka inuu ku hayay, waxaa kaloo muhiim ah in xaaskaagane aad daawaysid, in kaligaa aad daawo qaadato wax ma tarayso.

In aad takhtar la xiriirtidne waa lama filaan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa, biya cabiddane sii wad.