Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Abdirizak on September 03, 2015, 01:51:08 PM

Title: Su'aal: markaan suliga galo ama aan xaajoonayo?
Post by: Mohamed Abdirizak on September 03, 2015, 01:51:08 PM
As dhamaan dhakhaatirta iyo asxaabta kalaba wn salaamay salaan kadib
waxaan qabaa labo su,aal
1: markaan suliga galo ama aan xaajoonayo ama marmarka qaar suuliga anoon ku jirin waxaa iga yimaada biyo sida kuwa galmada oo kale kuwaas oo aan layaabanahay???!!
2:hada kahor dagaal aan galay baa qofkii aan ladagaalamayay xiniyaha igu dhagay kadib anoo xanaaqsan bn xoog iska kaga furfuray wax yar kadib suuligaan galay dhiig bn kaa diyay dhakhtar bn utagay dawooyin yaryar buu iqoray isla habeenkii caadi bay ahayd kaadidu hadaba su,aashu waxay tahay marmarbaa xiniyaha layga qabtaa saamayn maku yeelankartaa arintaas ?
Title: Re: Su'aal: markaan suliga galo ama aan xaajoonayo?
Post by: SomaliDoc on September 05, 2015, 01:13:22 PM
Waxa aad tilmaantay ee shahwada u eg ma ibta ayay ka imaanayaan? Xaajada aad musqusha u gashayne ma saxaradaa mise kaadi ayaa ka wadaa?, Fadlan da'daadane ii soo sheeg.
Fadlan soo waadixi arrimahaas si aan talo kuu siiyo.
Title: Re: Su'aal: markaan suliga galo ama aan xaajoonayo?
Post by: Mohamed Abdirizak on September 07, 2015, 10:39:33 AM
waa mahadsantahay dhakhtar
waxaan kawadaa marka hore kaadi bn ugalaa suuliga markay kaadidu iga dhamaato oo aan is dhaho iska daahiri  baa waxaa iga imaanaya macdanta(shahwada)
Title: Re: Su'aal: markaan suliga galo ama aan xaajoonayo?
Post by: SomaliDoc on September 07, 2015, 12:34:44 PM
Mohamed, halkaan ka akhriso jawaabta su'aashaada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2973.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2973.0.html)
Title: Re: Su'aal: markaan suliga galo ama aan xaajoonayo?
Post by: Mohamed Abdirizak on September 10, 2015, 10:26:44 AM
ASC waad mahadsantahay Dr
intaa kadib  maxaa dawo u ah marka wxn rabaa inaysan igu soo noqon ciladan marka ilatali dawo ama sidaan isga baarikaro
Title: Re: Su'aal: markaan suliga galo ama aan xaajoonayo?
Post by: SomaliDoc on September 11, 2015, 12:49:18 PM
Haddii aad wada akhrin laheed qoraalada ku lifaaqan link-ga aan ku siiyay, waad kala fahmi lahayd mida xanuunka ah iyo mida dabiiciga ah oo aad u baahan tahay in aad dhakhatar u tagtid.
Fadlan dib ugu laabo jawaabta ee akhriso qoraalalda ku sii lifaaqan link-ga kore oo iska fiiri in aad leedahay astaamaha ku xusan xanuunadaas kala duwan iyo in aad dhakhtar u baahan tahay.
Haddii aadan waqti u haynin ama aadan safiican u fahmi karin la xiriir dhakhtar isagaa talo fiican ku siin doono insha'llah.