Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zuleikha on December 05, 2016, 05:39:18 PM

Title: Su'aal: Cunug aan dhalay oo 2 sano jirta?
Post by: Zuleikha on December 05, 2016, 05:39:18 PM
asc Dr wan kusalmay su aashaydu waxay tahay cunug aan dhalay oo 2 sano jirta tinta say udhalatay 5 jeer baa laga xiiray kuwii hore kuwa ka adag unba usoo baxa mida kale hada dhaxda bas ah ayey kakorayaan ee dhinacyada way kagaagaaban yihin marka waxa la ileeyahay kaxiir markale way yartahay tintana uma fiicna anna waan kacaga jiidayaa oo kuwan inaan udaayo ayan rabaa marka maxad igula talinaysaa ma inan kaxiiro maxase tinta isla ekaysiin kara oo ufican ilamaha tintana iigu bixinaya Dr jazakallah
Title: Re: Su'aal: Cunug aan dhalay oo 2 sano jirta?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2017, 04:35:13 PM
Tin bixidda caruurta bilaha hore islama eka, sababtoo ah badanaa jiif ayay u badan yihiin oo timaha dhinacyada kaam soo baxaan oo qeybta kore iyo dhexda ayay ka koraan, midda kale tinta ay caruurta ku dhashaan ma ahan tin sax ah oo markii laga xiiro ayay u soo baxdaa tintii rasmiga ahayd, cunuga markuu waynaado oo uu bilaabo inuu fadhiisan karo markaas ayay tinta bixitaankeeda isla sinnaanayaan, inkastoo ay ku xiran tahay jawwiga uu cunugaas ku dhashay, dhulalka qabowga badanaa tinta inay isla sinnaato way soo daahdaa.